Talaado,
Maxamed Maxamuud Wehliye oo ka mid ah Guddoomiye ku xigeennada Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku eedeeyay Dr. C/qaadir Maxamed Nuur in uu ka dambeeyay dhibaatadii ka dhacday Magaalada Marka, wuxuuna sheegay in uu Guuddoomiyaha doonayo in uu qaab qabiil isaga hor-keeno Ciidamada Maamaulka Gobolka.
Ma jiro ilaa iyo haatan wax war ah oo ka soo baxay Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose Dr. C/qaadir Maxamed Nuur, kaasi oo ku saabsan eedeynta uu u jeediyay Guddoomiye ku xigeenkiisa oo isaga soo tegay Magaalada Marka.
Eedeynta loo Jeediyay Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo shalay gudaha Magaalada Marka uu dagaal ku dhexmaray labo dhinac oo lagu kala sheegay Ciidamada Gobolka iyo Kooxo Maleeshiyooyin ah oo falal nabadgelyo darro ah waday, inkastoo ay jiraan warar kale oo sheegaya in dhinacyda dagaalamay ay ka wada tirsan yihiin Ciidamada Maamulka.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Xaaladda Ammaan ee Magaalada Marka ayaa muddooyinkan dambe sii xumaaneysay, waxaana ku soo kordhayay kooxo maleeshiyooyin ah oo dadka dhac u geysta, iyadoo maalintii dorraad ahaydna deegaanka Ceel Jaalle lagu dilay Taliye ku xigeenkii Booliska Degmada Marka Marxuum Maxamuud Salaad Siyaad Sanjabiil, kaasi oo ay toogteen kooxo hubeysan oo kala degay gaari uu la socday.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






