5.8 C
London
Thursday, October 30, 2025

Ciidamo ka baxay Wadada Labaad ee Suuqa Bakaaraha oo dib ugu soo noqday kadib markii lagu mudaharaaday

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, September 18, 2007(HOL): Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya oo xalay ka baxay Wadada Aadan Cadde oo ah Wadada Labaad ee Suuqa Bakaaraha ayaa dib ugu soo laabtay halkaas kadib markii ay dadka deegaankaas ku banaanbaxeen, isla markaana ay ku dhawaaqeen ereyo aysan Ciidamadu jecleysan oo ay ka mid ahaayeen “Gaaladii waa baxday iyo kuwo kale”.

 

Ciidamada ku sugan Wadada labaad ee Suuqa Bakaaraha oo isugu jira Boolis iyo Mileteri ayaa waxay saakay joojiyeen isu socodka Dadkii wadadaas isticmaali jiray, iyadoo mararka qaarkoodna ay iska ridayaan Rasaas aan loo jeedin cidda ay ku ridayaan, taasi oo qal qal gelisay dadka ku dhow halka ay Ciidamadaas joogaan oo u dhow Isgoyska Aadan Cadde.

 

Ciidamadan ayaa intii ay halkaas ku sugnaayeen waxaa dhowr habeen oo sii horeysay lagu qaaday weerarro xooggan, kuwaasi oo loo adeegsaday Qoryaha Garbaha laga tuuro ee Baasuukaha iyo Laawga, inkastoo aan la sheegin wax khasaare ah oo weerarradaas ka soo gaaray tan iyo intii weerarrada lagu soo qaadayay.

 

Tan iyo markii ay Ciidamadan fariisinka ka sameysteen Wadada Aadan Cadde ayaa waxaa gebi ahaanba albaabada loo laabay ganacsigii ka jiray hareeraha Wadadaas, halka ay Dad deegaano ku lahaana ay isaga guureen kadib markii ay u adkeysan waayeen Rasaasta ay Ciidamada ridayaan iyo weliba weerarrada habeenkii lagu soo qaadayo.

 

Ugu dambeyntiina, Ganacsatada Goobaha Ganacsi ku leh Hareeraha Wadada Labaad ee Suuqa Bakaaraha ayaa waxay Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ka codsanayaan in ay Ciidamadaas ka dul-qaado, si ay furtaan goobahooda ganacsiga oo ay ka raadsadaan nolol maalmeedkooda.

  

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).