Isniin, September 17, 2007(HOL): Mudanayaasha Baalramaanka Soomaaliya ayaa maanta waxay ka doodeen qodob lagu soo heshiiyay intii loo fadhiyay Shirkii Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee ay ka soo baxday Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo intii u dhaxeysay sanadihii 2002 ilaa 2004 lagu qabtay Dalka Kenya.
Qodobkan ayaa la sheegay in ay Xildhibaannada go’aansadeen in ay ka doodaan kadib markii sida ay yiraahdeen lagu xadgudbay qodobka awood qeybsiga ee loogu yeero 4.5.
Haddaba Xildhibaannadii maanta ka dooday Qodobkaas ayaa waxaa ka mid ahaa Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax oo isagu ku eedeeyay Madaxda ugu sareysa Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay xad-gudbeen heshiiskii lagu soo gaaray Mbagathi ee ku saabsanaa in Talada Dalka lagu qeybsado Nidaamka Afar Beelood iyo Bar.
“Beesha Caalamka waa inay ogaato sharcigii lagu soo dhisay Mbagathi oo lagu soo heshiiyay in lagu tuntay, waxa ku tumanaana ay yihiin madaxda ugu sareysa Dalka, waa in ay ogaadaan, cidna laga qarin maayo”ayuu yiri Maxamed Qanyare Afrax oo markii uu intaas yiri ay Xildhibaannada Baarlamaanka aad ugu sacab tumeen.
Xildhibaano kale oo ka soo jeeda Beesha Shanaad ayaa sheegay in Beel ahaan ay ku dulman yihiin dhinaca awood qeybsiga, waxayna sheegeen in aysan xubno muhiim ah ku lahayn Hay’adaha kala duwan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay dareemayaan in cadaalad darro lagu sameeyay.
Madaxda ugu sareysa Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaana Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi ayaa lagu eedeeyaa in Dad ay isku heyb yihiin ay xilal muhiim ah uga magacaabeen Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo taasina lagu tilmaamay in ay hareer marsan tahay Nidaamka Awood Qeybsiga ah ee lagu soo dhisay Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ah Afar Beelood iyo Bar.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






