5.8 C
London
Thursday, October 30, 2025

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo codsaday in Ciidamo Carab iyo Afrikaan ah la geeyo Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img


Isniin,
September 17, 2007(HOL): Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo haatan ku sugan Dalka Boqortooyada Sacuudiga ayaa waxay xalay ku saxiixeen Magaalada Jidda heshiiskii ay gaareen Beelaha Soomaaliyeed ee ka soo baxay Shirkii Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed.

 

Munaasabadda lagu saxiixay qodobadii lagu gaaray Shirkii dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee Muqdisho ku soo gebageboobay 30-kii bishii hore ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Boqorka Dalka Sacuudiga Boqor Cabdalla Bin Cabdul Casiis iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Sacuudiga.

 

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kulankaas ka hadlay ayaa sheegay in ay codsanayaan in Soomaaliya loo diro Ciidamo Carab iyo Afrikaan isugu jira, kuwaasi oo bedela ciidamada haatan ku sugan, wuxuuna carrabka ku adkeeyay madaxweynaha in hoggaanka Ciidamadaas iyo mas’uuliyadda nabad ku soo dabaalidda Soomaaliya ay yeelan doonto Qaramada Midoobay

 

“Annaga oo kaashaneyna Awoodda Alle iyo dadaalka dadka Soomaaliyeed waan ka guuleysan doonnaa caqabad kasta oo naga hortaagan in aan Soomaaliya u bedelno Wadan qurxoon oo nabadgelyo ah”ayuu yiri Madaxweyne C/llaahi Yuusuf.

 

Boqor Cabdalla Bin C/Casiis ayaa isna ka hadlay kulanka ayaa wuxuu sheegay in uu guul taariikhi ah u arkayo mirihii ka soo baxay shirkii dib u heshiisiinta Soomaaliya, isagoo intaas kadibna Soomaaliya ugu baaqay in ay bog cusub furaan, kaasi oo Soomaaliya ka badbaadiya in ay sii socdaan dhibaatooyinkii ay sanadaha badan ku soo jireen, wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyay in heshiiskan uu waa’ cusub u furi doono dadka Soomaaliyeed, isla markaana uu Soomaaliya u rogi doono mid xasiloon.

 

Madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ee kala ah Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shiikh Aadan Madoobe ayaa maalintii shalay ahayd ay ka duuleen magaalada Muqdisho, iyagoo horkacayay Wafdi ku dhow 400 oo Ruux, kuwaasi oo u badnaa ergooyinkii ka qeybgalay Shirkii Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed.

 

Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi oo ka hadlayay ujeedada Ergooyinka loo geynayo Sacuudiga ayaa sheegay in mar uu booqasho ku joogay Dalka Sacuudiga uu Boqor  Cabdallaha Sacuudiga ka codsaday in marka uu soo dhamaado shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed Qaar ka mid ah Ergooyinka ka qeybgelaya Sacuudiga loo geeyo, si ay u caddeeyaan heshiisyada ay gaareen, isla markaana la geeyo Xaramka, si ay isu cafiyaan.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).