
Isniin,
Wararku waxay intaas ku darayaan in labo ka mid ah shaqaalihii saarnaa Gaariga Hay’adda Care ay dhaawacmeen, halka ay jiraan dad kale oo rayid ah oo dhaawacyo ay ka soo gaareen tacshiiraddaas.
Maleeshiyooyinkaas ayaa markii ay qalqal geliyeen ammaanka magaalada Marka ayaa waxaa ku soo baxay oo ay isku dhaceen Ciidamada Booliska Degmada Marka, kuwaasi oo uu horkacayay Taliye ku xigeenka Booliska Gobolka Shabeelaha Hoose ninka lagu magacaabo Nuuriye Cali Faarax.
Iska hor-imaadka dhexmaray Ciidamada Booliska Gobolka Shabeelaha Hoose iyo Maleeshiyooyinka ka soo horjeeday ayaa waxaa ku dhaawacmay labo ruux oo rayid ah oo ay ka mid ahaayeen haweeney da’ ah iyo ilmo yar, kuwaasi oo haatan lagu daweynayo Isbitaalka Marka.
Iska hor-imaadkan ka dhacay Magaalada Marka ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo maalintii shalay ahayd Deegaanka Ceel Jaalle ee Gobolka Shabeelaha Hoose lagu dilay Taliye ku xigeenkii Booliska Degmada Marka Marxuum Maxamuud Salaad Siyaad Sanjabiil, kaasi oo ay toogteen kooxo hubeysan oo kala degay gaari uu saarnaa.
Waxaa si gaabis ah u socda dhaqdhaqaaqyadii ganacsi ee ka socday Magaalada Marka, iyadoo xaaladdana ay tahay mid kacsan oo ay dadka u dheg-taagayaan halka ay ku dhamaan doonaan falalka nabadgelyo darrada ah ee ka soo cusboonaaday Magaalada Marka.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






