5.8 C
London
Thursday, October 30, 2025

Wada Hadal Nabadeed oo Deegaanka Moqokori uga furmay Beelaha Xawaadle iyo Abgaal

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, September 17, 2007(HOL): Waxaa si rasmi ah uga furmay Deegaanka Moqokori oo ka tirsan Gobalka Hiiraan Wada hadal nabadeen oo dhax maraya wax-garadka iyo odayaasha beelaha Abgaal iyo Xawaadle oo dhawaan dagaal ku dhax maray qeybo ka tirsan gobalada Hiiraan iyo Shabeelada dhexe.

 

Guddoomiyaha Golaha Dhaqanka Gobalka Hiiraan Dacar Xirsi Xooshow oo gudoomiye u ah wax-garadka dhinaca Beesha Xawaadle ayaa sheegay in wada hadalku noqonayo mid dhamaanba lagu soo afjari doono wixii khilaaf ah ee u dhaxeeya labada Beelood, waxaana uu intaa ku daray Nabadoon Xooshow in wax-garadka ka socda dhinaca Beesha Abagaal gacan-weyn ka geysanayaan dhameynta wixii khilaaf ah ee jira.

 

Sidoo kale Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif oo ka hadlay wada hadalka u bilaawday labada beelood ayaa sheegay in wax lagu farxo tahay bilowga wada hadalka, waxaana uu intaa raaciyay in dhawaan wada hadal arintaa ku saabsan uu la yeesheen Imaan Max’uud Imaan Cumar oo soo dhaweeyay hishiis la dhax-dhigo labada dhinac.

 

Ugaas C/raxmaan waxaa uu intaa ku daray in marka la soo xirayo wada hadalada halkaa ay soo gaari doonaan Duubab iyo wax-garad siweyn looga qadariyo labada dhinac, inkastoo uusan carabka ku dhufan qaar ka mid ah duubka uu tilmaamay.

 

Marka la soo afjaro madasha Beelaha Xawaadle iyo Abgaal ayaa la filayaa sidoo kale in la bilaabo wada hadal lagu xalinayo colaada u dhaxeysa  Beelaha Murusade iyo Xawaadle oo dagaal dhax-maray labadii Sano ee ugu danbeeyay  ku geeriyoodeen in ka badan 50 ruux  sida uu sheegay Nabadoon Dacar Xooshow.

 

Wada hadalada u bilaawday Wax-garadka Beelaha ka soo kala jeeda Gobalada Hiiraan iyo Shabeelada dhexe ayaa waxaa siweyn u soo dhaweeyay Madax uruka dhaqaaqa Bulshada Rayidka Gobalka Hiiraan Max’ed Cismaan Timo-jilic oo sheegay in wada hadalkan oo kale wax weyn ka tari karo baajinta dhiig danbe oo daata waxaana, isaga oo kula dar daarmay dhinacyada wada hadalku u furmay in xooga saaraan ka gudubka qodob kasta oo dib u dhigi kara hishiis dhaqse loo gaaro.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

diini@hiiraan.com

Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).