
Isniin,
“ Waa markii ugu horeysay oo dad badan oo Soomaali oo dhan isku jira ay ka soo wada qayb galeen shir iyaga oo hal-arigti ka wada hadalayo” sidaas waxaa yiri, Sharif Caqiil, waxaana uu intaas ku daray, “dhibka Umadda Soomaaliya Dalka gudihiisa ku hayaa waa uu badan yahay anagana mid noo gooni ah ayaa nagu haysato dalkan aan ku nool nahay, Sidaas darteed waa lama huraan in lawada tashado lana midoobo”.
Dood Cilmiyeedkaan inta uusan bilaaban waxaa halkaas ku soo bandhigay warbixin dheer oo ku salaysan cilmi-baaris, Xarunta Cilmi Baarista iyo Wadatashiga – Soomaaliyeed ee CRD, taas oo ka hadlaysay kaalinta ay Qurbajoogta ku leedahay xaaladda dalka ka jirta iyo sida loo baahan yahay in loo sii adkeeyo. Warbixintu waxaa ay taabatay, dhanka dhaqalaha iyo howlaha horumarineed ee ka socda dalka.
Warbixinta kadib, waxaa la gudo galay dood cilmiyeed iyo wadahal u dhaxeeya Jaaliyadda Soomaaliyeed dhexdeeda. Fursadaan oo ahayd tii ugu horeeysay oo ay isku yimaadaan dad ayagu ku kala duwan fikirka xaaladda Soomaaliya ka jirta iyo aragtiyadooda siyaasadeed, ayaa waxaa ay suurtagelisay in si lab furan uga wada hadlaan xaaladda Soomaaliya iyo kaalinta ay ka qaadan karaan, sidoo kale waxaa ay ka hadleen sidii Soomaalida ku nool Canada la isugu soo dhaweyn lahaa. “ Dowladda
Cusmaan Dheere oo ka mid hoggaamiyaasha hay’adaha caawiya dadka Soomaaliyeed ayaa shaaca ka qaaday in ay lama huraan tahay in wada-hadal dhab ah, joogtana ah laga dhex furo dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada
Faadumo Awoowe oo ka mid ah dadka u ololeeyo arrimaha Soomaaliya ayaa ku boorisay dadka ka soo qayb galay kulanka in ay lama huraan tahay in xaqiiqda laga wada hadlo haddii la doonayo in uu dhaco wada hadal miro dhal ah.
Jabril Ibahim Abdulle, oo la hadlayay dadka ka soo qayb-galay kulanka ayaa ku adkeeyay in si fiican loo qaadaa-dhigo inta aanan hanti la galin Soomaaliya, waxaa uu Jabril sheegay in hanti badan oo qiimo lahayd oo Soomaalida qurabaha joogtaa ay ku maalgaliyeen Soomaaliya ay bur-bureeen kadib markii la joogteyn waayay. “Hadii wadatashi jiro, iyo xiririn u dhaxeysa Soomaalida ku dhaqan dibadda, Ururrada Bulsha Rayidka ah ee ka jira dalka iyo hay’addaha bixiya deeqaha, waxaa macquul ah in la heli karo qaab loo joogteeyo maalgalinta ay dadka qurabaha ku nool galiyeen dalka” ayuuna yiri Jabriil.
“Dadka qurba jooga ah waxaa ay dhiseen skuulo, masaajido, cusbitaallo iyo jaamacado, wax-tarka dadka qurbaha ku nool waa mid ka muuqda dhamaan qaybaha kala duwan ee nolosha.Ma jirto ayuu Jabril Ibrahim Abdulle, magaalo aan lagu arkeynin raadka dadka ku nool qurbaha”ayuu hadalkiisa ku sii daray Jabriil Ibraahim Cabdulle, Agaasimaha Hay’adda CRD.
Gaba-gabadii kulanka, dadk ka soo qayb galay waxaa ay ka wada qayb galeen afur iyo casho, waxaana la ballan qaaday in hoggaanka jaaliyadda kulan afur ah ay isugu yimaadaan Asbuucyadda soo socda si loo sii amba qaado hoowsha wada hadalka oo ay bilaawday Xarunta CRD.
Barnaamijkan oo ay iska kaalmeysteen Xarunta CRD-Somalia iyo CARE Somalia, waxaa uu qeyb ka yahay barnaamij wada-tashi ah oo soo maray dalal badan oo Soomaalidu ku nooshahay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






