5.8 C
London
Thursday, October 30, 2025

Taliye ku xigeenka Booliska Degmada Marka oo maanta Kooxo hubeysan ay toogteen

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, September 16, 2007(HOL): Tuulada Ceel Jaalle oo dhanka Galbeed kaga toosan Degmada Marka ayaa maanta waxaa lagu dilay Taliye ku xigeenkii Booliska Degmada Marka Marxuum Maxamuud Salaad Siyaad (Sanjabiil), kaasi oo ay dilkiisa ka dambeeyeen kooxo hubeysan.

 

Taliye ku xigeenka ayaa markii la dilayay waxaa lagala degay gaari uu saarnaa oo marayay Tuulada Ceel Jaalle ee Gobolka Shabeelaha Hoose, isagoo xiligaasna la sheegay in uu ku guda jiray socdaal howleed.

 

Kooxihii dilay Taliye ku xigeenka ayaa la sheegay in ay baxsadeen, iyadoo aaney suurtagelin in gacanta lagu soo dhigo. Meydka Taliye ku xigeenka ayaa la dhigay Isbitaalka Marka, halkaasi la filayo in laga qaado saacadaha soo socda si loo aaso.

 

Dilka loo geystay Taliye ku xigeenka ayaa waxaa laga dareemay Magaalada Marka, wuxuuna saameyn ku yeeshay dhaqdhaqaaqii ganacsiga oo aan maanta ahayn sidii uu ahaan jiray.

 

Alle ha u naxariistee, Marxuum Maxamuud Salaad Siyaad (Sanjabiil) ayaa xiligii uu gobolka Shabeelaha Hoose ka talinayay Maamulkii Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha-cadde) waxaa uu ahaa Taliyaha Booliska Degmada Marka, iyadoo uu ahaa nin si weyn looga yaqaanay Gobolka Shabeelaha Hoose oo uu muddo dheer ka shaqeynayay.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).