Axad,
Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Maxamuud Guuleed Gacma-dheere oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Wasaaraddiisa ay Baarlamaanka uga warbixisay waxqabadka seddexdaas hay’adood, wuxuuna caddeeyay Md. Gacma-dheere in ay Baarlamaanka isku af-garteen in Talisyada Booliska, Nabad-sugidda iyo Maamulka Gobolka Banaadir ay hoos-tagaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Wasaaraddana ay Baarlamaanka warbixin siisay.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo sii hadlayay waxaa uu intaas ku daray in aaney jirin sabab loo kala qaad-qaado Qeybaha hoos-taga Wasaaradda Arrimaha Gudaha, wuxuuna hoosta ka xariiqay in uu soo dhaweynayo in la xisaabtamo, hayeeshee ay lagama maarmaan tahay in wax kasta loo maro qaab nidaam ah.
Guddoomiyaha ku xigeenka koowaad ee Golaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Cumar Dalxa ayaa dhawaan sheegay in Baarlamaanka uu u yeeray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Dheere, Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Cabdi Qeybdiid iyo Taliyaha Nabad-sugidda Maxamed Darwiish, isagoo caddeeyay in sababta loogu yeeray mas’uuliyiintaas ay tahay in lagala xisaabtamo waxyaabihii ay qabteen.
Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkan waxaa uu waday la xisaabtan uu la yeelanayo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo Wasiir kasta oo tirsan Xukuumaddaasna uu Baarlamaanka uga warbixiyay waxqabadka Wasaaraddiisa.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Hadlaka Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo ay dhawaanahan soo baxayeen warar sheegayay in Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) uu aqbalay farriintii uga timid Baarlamaanka ee ahayd in uu Baarlamaanka hortiisa tago si loola xisaabtamo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






