Axad,
Guddoomiyaha Degmada Dharkeenley Macallin Cabdulle Cali ayaa xaqiijiyay dilka Nabaddoonka, wuxuuna sheegay in Nabaddoonka uu dilay nin Bastoolad ku hubeysnaa, kaasi oo markii uu dilka geystay kadib baxsaday.
Guddoomiyaha waxaa uu intaas ku daray in aysan war u heynin sababtii loo dilay Nabaddoonka, wuxuuse sheegay in ay hayaan baaritaan ku saabsan sidii ay ku ogaan lahaayeen wixii keenay dilkaas.
Wuxuu ahaa Nabaddoonkii labaad oo Magaalada Muqdisho lagu dilay, iyadoo horayna Gurigiisa oo ku yaala Degmada Yaaqshiid lagu dilay Nabaddoon Macallin Haaruun Macallin Yuusuf, kaasi oo uu isna dilay Nin Bastoolad ku hubeysnaa.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku soo badanaya dilalka loo geysanayo dadka bulshada indhaha u ah sida Nabaddoonnada iyo Aqoonyahannada, waxaana weli la xusuustaa dilalkii Muqdisho loogu geystay mas’uuliyiintii Idaacadaha Horn Afrik iyo Capital Voice ee kala ahaa Cali Iimaan Sharma-arke iyo Mahad Axmed Cilmi iyo weliba Dilkii isna loo geystay Prof. Maxamed Xuseen Axmed Dhoobaale oo ka tirsanaa Mas’uuliyiinta Machadka Maamulka iyo Maareynta SIMAD.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Dilalkaas iyo iska hor-imaadyo Muqdisho ku dhexmara Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kooxo hubeysan oo ka horjeeda ayaa waxay dad badan ku kalifeen in ay guryahooda isaga cararaan, isla markaana ay naftooda ula baxsadaan meel ka amaan wanaagsan Magaalada Muqdisho, waxayna dadkaasi u kala jiraan kuwo Muqdisho duleedyadeeda u qaxay iyo kuwo dalka oo dhanba isaga tegay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






