13.5 C
London
Thursday, October 30, 2025

Prof. Dalxa oo sheegay in si aan wanaagsaneyn loo maamulay Ergooyinkii ka qeybgalay Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, September 16, 2007(HOL): Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Cumar Dalxa ayaa dhaliilay qaabka loo sagootiyay Ergooyinkii ka qeybgalay Shirkii Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee Muqdisho lagu soo gebagebeeyay dhamaadka bishii hore ee Agoosto.

 

Prof. Dalxa waxaa uu sheegay in shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed uu qaab wanaagsan ku bilowday, isla markaana uu ku soo gebageboobay, wuxuuse nasiib darro ku tilmaamay in ergooyinkii shirkaas ka qeybgalay markii ay dib ugu laabanayeen deegaanadii ay ka yimaadeen aan si wanaagsaneyn loo maamuusay, si gaar ahna wuxuu u sheegay in aan Ergooyinka si isku mid ah loo siinin lacago gunnooyin ah oo loogu talagalay.

 

Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka waxaa uu eedda arrintaas dusha u saaray  Rag uu ku sheegay in ay ka soo hoos baxeen Guddigii maamulayay Shirkii Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, kuwaasi oo howshooda ahayd kaliya in ay Computer-ro waxgeliyaan, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay raggaas kala sharfeen Ergooyinkii Shirka ka qeybgalay oo xitaana ay qadarin waayeen Duubabkii Dhaqanka Beelaha.

 

Hadalka Prof. Dalxa ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo qaar badan oo ka mid ah ergooyinkii ka qeybgalay shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ay ku cawdeen in aan la siinin lacag loogu talagalay Ergooyinka, halka kuwo kalena ay sheegeen in ay heleen lacag ka yar midii ay sugayeen.

 

Shirkii Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee dhawaan lagu soo gebagebeeyay Magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa waxaa ka qeybgalay ergooyin tiradooda kor u dhaafeysay 2000 oo ergay, kuwaasi oo laga keenay gobollada dalka Soomaaliya, iyadoo ay xusid mudan tahay in ergooyinkaas intii ay shirka u fadhiyeen labo jeer lagu weeraray Madaafiic Hoobiyayaal ah, inkastoo aan madaafiicdaas lala helin halkii uu shirka ka socday oo ahayd Xarunta Gaadiidka Booliska.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).