13.5 C
London
Thursday, October 30, 2025

Wariye u shaqeynayay Website-ka Puntlandpost oo maalintii Afaraad u xiran Dowladda Federaalka Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, September 15, 2007(HOL): Wariye Maxamed Xuseen Jimcaale Jantiile oo u shaqeynayay websiteka Puntlandpost ayaa maalintii afaraad waxaa uu u xiran yahay dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Wariyahan ayaa afar seddex maalmood ka hor waxaa ka qabtay ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo howlgallo ka sameynayay Suuqa Bakaaraha, isagoo xiligaas Wariyaha ku jiray meel Internet Café ah, iyadoo laga diiday xitaa aqoonsi Saxafinimo oo uu ula soo baxay.

 

Wariye Maxamed Xuseen Jimcaale oo muddo dheer Magaalada Muqdisho wararka uga diri jiray Website-ka Puntlandpost ayaa intii uu shaqeynayay waxaa uu ahaa waxaa uu ahaa Wariye aan meelna uga dhicin anshaxa saxaafadda, isla markaana wararkiisa ay ahaayeen kuwo uu si dhexdhexaadnimo ah u gudbiyo.

 

Maamulka Website-ka Puntlandpost oo qoraal ka soo saaray Xariga Wariyihii u shaqeynayay ayaa waxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka dalbadeen in ay si shuruud la’aan ah u sii deyso Maxamed Xuseen Jantiile, isla markaan ay xoriyadiisa u soo celiso, welibana ay raaligelin deg deg ah ka bixiso xariggii loo geystay.

 

Sidoo kalena Bahda Saxaafadda ayaa waxay ugu baaqeysaa Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Wasaaradda Warfaafinta in la soo daayo Wariyahaas oo muddo afar maalmood ah u xiran Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo weliba aan la sheegin dembi lagu heysto.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa wariyayaasha ka howlgala waxaa xiligan soo wajahay waqti adag oo aan u suurtagelineynin in ay howshooda Saxafinimo si caadi ah u wataan, waxaan dhawaan Muqdisho lagu dilay, laguna dhaawacay Wariyayaal aan waxba galabsan oo Bulshada u adeegayay.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).