
Sabti, September 15, 2007(HOL): Magaalada Cadaado Gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa shalay markii ugu horaysay laga furay iskuul lagu baranayo xanaanada xoolaha iyo gargaarka deg dega ah, kaasoo ardada wax ka baraneysaa wajiga hore lagu bilaabay 15 arday oo inta badan laga soo xulay iskaashadata Ximan oo xaruntoodu tahay deegaanka Bowda-dhogore ee isla degmada Cadaado.
Xaflad lagu furayey iskuulkan oo muddo saddex bilood ah la doonayo in laga gaaro hormar caafimaadka iyo xanaanada xoolaha ah ayaa shalay ka dhacday magaalada Cadaado.
Mashruucan waxbarashada ah ayaa waxaa iska kaashaday Ururka Horumarinta Bulshada Soomaaliyeed ee Finland SSDA oo xaruntiisu tahay Magaalada Helsinki ee wadanka Finland, wasaarada arrimaha dibada ee dalka Filand iyo Ururka Soomaaliyeed ee ka hortagga Faqriga, wuxuuna ka mid yahay arrimo badan oo xagga hormarka ah oo uu dalka Soomaaliya gaar ahaan Gobolka Galgaduud ka wado ururka SSDA.
Furitaankii iskuulkan ayaa waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiin kala duwan oo ka kala socday bulshada qeybaheeda kala duwan, waxaana halkaa ka hadlay qaar ka mid ah ka soo qeyb galayaasha iyo xubno matalayey hay’adaha iska kaashaday fulinta howshan.
Ardayda wax ku baraneysa iskuulkan oo laga soo dhex bixiyey iskaashatada Ximan oo ah Dad Reer Miyi ah oo Saddexdii sano ee la soo dhaafay loogu sameeyey deegaanka Bowdodhogorre waxyaalo kaabaya horumarkooda sida iskuul caadi ah oo ay ardo ku dhaw 80 wax ku bartaan, guryo loogu tala galay in loo adeegsado xagga caafimaadka iyo weliba barkado biyood.
Dr. M. D. Eenow oo ah macalinka iskuulkan ayaa ka warbixiyey baahida loo qabo barashada xanaanada xoolaha iyo gargaarka deg dega ah marka laga hadlayo deegaanadan ay ku badan yihiin xoolaha la dhaqdo iyo gargaarka deg dega ah oo nooluhu dhamaantiis u baahan yahay.
Wuxuu sidoo kale dhaqtarku sheegay in ay isku dayayaan in dhawaan ay soo saaraan dad aqoon u leh daweynta iyo dhaqashada xoolaha haddii Ilaahay yiraahdo.




Cilmi Nuure






