Sabti, September 15, 2007(HOL): Shirkii Kooxaha Mucaaradsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee Dalka Soomaaliya uga socday Magaalada Asmara ee dalka
Shirkaas oo ay ka qeybgaleen Maxkamadihii Islaamka, Xubnaha la baxay Baarlamaanka xorta ah, Bulshada Rayidka iyo Xubno ka socday Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Dibadda ku dhaqan ayaa waxaa intii uu socday looga hadlay arrimo ay ka mid ahaayeen sidii Dalka Soomaaliya looga xoreyn lahaa ciidamada Itoobiya, sidoo kalena loo dhisi lahaa Isbaheysi dib u xoreeya, una soo nooleeya Soomaaliya.
Isbaheysigaas oo lagu dhawaaqay intii uu shirka socday ayaa waxaa Guddoomiye looga dhigay Guddoomiyihii Maxkamadaha Islaamka Shiikh Shariif Shiikh Axmed, halka Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan-na loo doortay Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Isbaheysiga Dib u Xoreynta iyo Dib u soo nooleynta Soomaaliya.
Afhayeenka Shirkaas Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi ayaa sheegay in 191 xubnood oo uu ka kooban yahay Golahaas ay dib ugu noqonayaan meelihii ay ka yimaadeen oo ay ka mid tahay Soomaaliya, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay bilaabayaan howsha ay u xil saaran yihiin oo ah in ay dib u xoreeyaan Soomaaliya.
Shirkan Asmara ku soo gebageboobay ayaa intii uu socday waxaa ka hadlay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Ra’iisal Wasaare Geeddi iyo Wasiirkiisa Arrimaha Gudaha Maxamed Maxamuud Guuleed Gacma-dheere, waxayna labaduba ku tilmaameen in shirkaas uu yahay mid aan looga hadleynin danaha dadka Soomaaliyeed.
Ra’iisal Wasaare Geeddi ayaa sheegay in Shirkaas uu martigeliyay madaxweynaha Eritrea oo ku caan baxay fowdo ka abuuritaanka Gobolka, wuxuuna nasiib darro ku tilmaamay in ay dad Islaam ah ay marti u noqdaan nin la ogyahay halka ay ka gaaray Islaam naceybka, “Madaxweynaha Eritrea intii uu ku guda jiray halgankii xornimo-doonka ahaa, dadkii ugu badnaa ee caawiyay waxay ahaayeen Muslimiinta Eritrea, iyagiina markii uu xukunka qabsaday wuxu ka dhigay kuwo xiray, kuwo uu dilay iyo kuwo uu dalka ka ceyriyay”ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Geeddi.
Ugu dambeyntiina, Isbaheysiga lagu dhisay Magaalada Asmara ayaa la dhowrayaa tallaabada uu qaado kadib marka ay xubnihiisa dib ugu noqdaan meelihii ay ka yimaadeen, inkastoo ay xusid mudan tahay in mas’uuliyiinta sare ee Isbaheysigaas ay horay u sii joogeen Magaalada Asmara ee Dalka Eritrea tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay gacan ku heynta Soomaaliya la wareegtay Dowaldda Federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa Ciidamo Itoobiyaan ah.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






