13.5 C
London
Thursday, October 30, 2025

Qaraxyo ay Dad Rayid ah ku dhaawacmeen oo ka dhacay Wadada Labaad ee Suuqa Bakaaraha

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, September 15, 2007(HOL): Labo qarax oo is-xigay ayaa waxay saaka ka dhaceen Wadada Aadan Cadde oo ah Wadada Labaad ee Suuqa Bakaaraha, iyadoo qaraxyadaasina ay dhaliyeen dhaawacyo soo gaaray dad rayid ah.

 

Qarax ka dhacay agagaarka Daarta Global ayaa waxaa ku dhawaacmay seddex ruux oo rayid ah, kuwaasi oo la sheegay in uu haleelay firir ka dhashay Qaraxii halkaas ka dhacay iyo weliba rasaas ay qaraxaas kadib fureen ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo qaraxaas loola dan lahaa.

 

Dad ka dhawaa halka qaraxa ka dhacay ayaa sheegay in Kooxo Dhalinyaro ah oo Bastoolado ku hubeysnaa ay Bambooyin ku tuureen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo halkaas ku sugnaa, kuwaasi oo iyagana ku jawaabay rasaas xooggan.

 

Daqiiqado kadib ayaa qarax kale waxaa uu ka dhacay isla Wadadaas, gaar ahaan agagaaraha Shirkadaha Xawaaladaha Qaran Express iyo Dahabshiil, waxaana qaraxaas kadib la arkayay Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo sii kaxeysanayay Dad tiro badan oo ay ka soo qabteen halka uu qaraxa ka dhacay.

 

Wadada labaad ee Suuqa Bakaaraha ayaa muddo todobaad ah waxaa ku sugan Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya oo weliba ku hubeysan Gaadiidka Dagaalka, kuwaasi oo joogitaankooda halkaas ay sababtay in ay xirmaan goobihii ganacsiga ee ku yaala hareeraha Wadadaas.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, qaraxyadan ayaa waxay ku soo beegmayaan iyadoo iyadoo lagu guda jiro Bisha Barakeysan ee Ramaaan oo ay xaaraam tahay in la daadiyo dhiigga dadka iyo iyadoo  Dowladda Federaalka ay ku dhawaaqday in ay qaaday bandowgii Muqdisho saarnaa inta lagu guda jiro Bisha Ramadaan.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).