12.8 C
London
Thursday, October 30, 2025

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo sheegay in Kooxaha ku shirsan Asmara ay xiriir la leeyihiin Israa’iil

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, September 13, 2007(HOL): Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacma-dheere) ayaa maanta shaaca ka qaaday in Kooxaha Soomaalida ah ee ku shirsan Magaalada Asmara ee Dalka Eritrea ay xiriir la leeyihiin Israa’iil, halka sida uu yiri ay ku eedeeyaan Dowladda Federaalka in ay tahay Gaalo-Raac u adeegeysa Dowladda Itoobiya.

 

“Kooxaha ku shiraya Asmara waxay sheegaan in Dowladda Federaalka ay tahay Gaalo-raac u adeegeysa Dowladda Itoobiya, iyagii mas’uuliyiinta isku sheegayayna waxaa la sheegayaa in furitaankii shirkooda ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin ka socday Israa’iil”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

 

Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacma-dheere), Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa uu sheegay in Kooxaha ku shirsan Magaalada Asmara ee ka soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya ay yihiin kuwo doonaya in ay majo xaabiyaan masiirka Umadda Soomaaliyeed iyo welliba dadaallada ay Dowladda Federaalka ku soo celineyso nabadgelyadii, sharcigii iyo kala dambeyntii.

 

Wasiirka ayaa hadalkan ka sheegay Xarunta Dugsigii Sare ee Booliska, halkaasi oo uu tababar ugu soo xirmay 160 Haween-Boolis ah oo loo tababarayay Saldhigyada Booliska Gobolka Banaadir, kuwaasi oo uu tababarkooda socday muddo 15 Maalmood ah.

 

Afhayeenka Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Muxyaddiin Codka ayaa horay u sheegay in Kooxaha ku shiraya Asmara aysan ahayn kuwo doonaya in ay xoreeyaan dalka Soomaaliya, balse sida uu u yiri ay yihiin kuwo argagixiso ah oo dib isu habeynaya.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Shirka Asmara oo lagu dhisay Isbaheysi la magac baxay Isbaheysiga Dib Xoreynta iyo Dib u soo nooleynta  Soomaaliya ayaa waxaa la filayaa in saacadaha soo socda lagu dhawaaqo guddigii fulinta Isbaheysigaas oo Golihiisa dhexe ay ku dhow yihiin Boqol Xubnood, kuwaasi oo u shaqeynaya sida Baarlamaan oo kale.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).