12.8 C
London
Thursday, October 30, 2025

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo qaaday Bandowgii saarnaa Magaalada Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, September 13, 2007(HOL): Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxay ku dhawaaqday in ay qaaday Bandowgii saarnaa Magaalada Muqdisho.

 

Wasiirka Arrimaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacma-dheere) ayaa ku dhawaaqay in ay Dowladda bandowgaas qaaday kadib markii ay tixgelisay codsi soo gaaray oo ku saabsanaa in bisha Ramadaan Dadka Muqdisho laga qaado Bandowga saaran, si ay u cibaadeystaan.

 

Wasiirka waxaa uu sheegay in caawa wixii ka dambeeya uusan magaalada Muqdisho saarneyn Bandow, wuxuuna ugu baaqay Dadka in ay ka faa’iideystaan fadliga Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

 

Duqii hore ee Magaalada Muqdisho Maxamuud Xasan Cali (Cadde Gaabow) ayaa dhawaan wuxuu ugu baaqay Dowladda Federaalka in ay qaado bandowga saaran Magaalada Muqdisho, si ay dadka u cibaadeystaan bisha barakeysan ee Ramadaan.

 

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa muddo bilooyin ah waxaa saaran bandow aan la waqtiyeynin xiliga uu dhamaanayo, walow uusan bandowga wax la taaban karo ka bedelin nabadgelyo darro ka jirtay magaalada Muqdisho, waayo waxaa maalin iyo habeen kasta ka dhaca weerarro lagu qaadayo fariisimada Ciidamada Dowladda Federaalka iyo weliba qaraxyo lala beegsanayo mas’uuliyiinta Dowladda.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).