
Khamiis, September 13, 2007(HOL): Axmedsaadaq Yuusuf Maxamed oo ah agaasimaha Naadiga Suxufiyiinta Hiiraan (Hiran Journalists Club) oo dhaawac soo gaaray isagoo saarnaa gaari ku soo socday Magaalada Beledweyne oo marayay deegaanka Buur-abooto oo u dhaxaysa degmada Halgan iyo tuulada Beeroyabaal ee G/Hiiraan, taariikhdu markay ahayd 28/06/2007. Dhaawacaas oo ah firirka xabadda iyo muraayadaha gaariga oo wejiga uga dhacay iyo weliba isha midig oo jug xoogan soo gaartay, firirkii xabbadaha ka galeen.
Sidoo kale Axmedsaadaq Yuusuf Maxmed waxaa ka jabay labo ilkood kadib markii ay xabbad si sariin ah afka ka martay, Waxaa kaloo dhaawac ka soo gaaray Axmedsaadaq Yuusuf Maxamed qeybo k mid ah gacmihiisa, kadib markii uu ka buuxsameen firirkii muraayadda iyo xabadihii lagu furay gaarigii uu saarnaa.
Axmedsaadaq Yuusuf Maxmed Waxaa uu u tegay magaalada B/weyne ee Gobolka Hiiraan howlo saxafadeed oo ay gobolka ka fulineysay ururka hawaeenka saxafiyiinta Somaaliyeed ee ( SOWJA), siminaarkaas saxafadeed oo soconayey muddo saddex cisho ah, wuxuuna ka mid ahaa howlwadeennada siminaarkaas, laguna qabtay xarunta ururka HIWA. ee magaalaada B/weyne.
Nasiib darro Axmedsaadaq Yuusuf Maxamed isagoo ka shaqaynayo hormarinta saxafadda iyo G/Hiiraan ayaa waxaa soo gaaray dhawaac sababay inuu ku wayaayey qeybo jirkiisa ka mid ah.
Wariye Axmedsaadaq waxa uu u baahan yahay inay bahda saxafadda xaquuqda aadanaha Soomaaliyeed inay lobbying u sameyaan si wax looga qabto dhibka ku dhacay isagoo markaas gudanaya mihnaddiisa saxafanimo, wuxuuna hadda ku suga yahay wariye Axmedsaadaq magaalada Muqdisho oo ku xanuunsanayo dhaaacii soo gaaray 28/06/2007.
Markii uu u tagay Wariye Axmedsaadaq Yuusuf Maxmamed dhaqaatiirta magaalada Muqdisho qaarkood gaar ahaan kuwa indhaha waxay ku yiraahdeen dhawaacaada waxaa wax looga qaban karaa dibadda maadaama qeybta malamka indhaha wax kaa soo gaareen isla markaana neerfaha waxyeelo soo gaaratay.
Wariye Axmed Saadaq waxa uu iminka u baahan yahay in la caawiyo oo wax loo qabto maadaama uu inta badan ololeyn jiray hormarinta saxafadda guud ahaan gaar ahaan G/Hiiraan, wax badanna ka qoray ka hortagidda xadgudubyada xaquuqda aadanaha ee Soomaaliya.
Kala Xiriir Axmed Saadaq
Email: saadaqcade@yahoo.com
Tel: 002521-5520168-Mobile






