12.8 C
London
Thursday, October 30, 2025

Gaari uu leeyahay Guddoomiyaha Degmada Beledweyne oo xalay Bambo Gacmeed lagu qarxiyay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, September 13, 2007(HOL): Gaari uu leeyahay Guddoomiyaha Degmada Beledweyne Cilmi Saney Qaasim ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa lagu qarxiyay Bambo Gacmeed, iyadoo halkaasina ay ku dhaawacmeen qaar ka mid ah ilaaladiisii.

 

Gaariga la qarxiyay oo noociisa lagu sheegay TOYOTA LandCrouser ayaa markii qaraxa lala beegsanayay waxaa uu ka soo laabtay guriga Guddoomiyaha Degmada, waxaana saarnaa kaliya 8 Askari oo ilaalo u ah Guddoomiyaha.

 

Guddoomiyaha Degmada Beledweyne Cilmi Saney Qaasim oo ka hadlay qaraxa lala beegsaday gaarigiisa ayaa wuxuu xaqiijiyay in uu jiro khasaare ka dhashay qaraxaas oo ah dhaawaca Seddex Askari oo Ciidamadiisa ka mid ahaa iyo weliba burbur soo gaaray gaarigiisa.

 

Guddoomiyaha waxaa uu sheegay in ay ku raad-joogaan dadkii ka dambeeyay qaraxaas, wuxuuna caddeeyay in ay sharciga hor keeni doonaan kadib marka uu u soo dhamaado baaritaan ay hayaan.

 

Cilmi Saney Qaasim, Guddoomiyaha Degmada Beledweyne waxaa uu intaas ku daray in markii la qarxinayay gaarigiisa uu 10 daqiiqo ka hor meeshaas maray, isla markaana uu ka badbaaday qaraxii lala damacsanaa, “10 Daqiiqo ka hor ayaan meesha maray, wuxuuna qaraxa dhacay kadib markii ay iga soo laabteen Ciidamadii ila socday”ayuu yiri Guddoomiyaha Degmada Beledweyne.

 

Dhawaan ayay ahayd markii Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Xagar Yuusuf Daba-Geed miino loogu aasay gudaha Magaalada Beledweyne, inkastoo ay miinadaas qaraxday kadib markii uu ka gudbay halkii loogu aasay.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

diini@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).