Arbaco,
Ra’iisal Wasaare Geeddi ayaa la sheegay in uu madaxweynihii TNG-da C/qaasim Salaad Xasan kala hadlay arrimo ku saabsan dib u heshiisiinta iyo nabadeynta Soomaaliya, walow aan faahfaahin dheeri ah laga bixin waxyaabaha ay rasmi ahaan labada mas’uul ka wada hadleen.
Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horay waxay kulan ula qaateen C/qaasim Salaad Xasan, iyadoo kulankii ugu dambeeyayna uu dhexmaray kadib markii Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya ay galeen guriga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, isla markaana ay ka qaateen hub iyo gaadiid dagaal, taasi oo ay madaxda TFG-da cudurdaar ka bixiyeen.
Ra’iisal Wasaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa maalmahan wuxuu ku mashquulsan yahay shirar uu la qaadanayo cid kasta oo talo ku yeelan karta xasilinta Dalka Soomaaliya, wuxuuna dhawaan dalka Jabuuti kula soo kulmay Ganacsade Abuukar Caddaan oo si weyn u taageeri jiray Maxkamadihii Islaamka.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tan iyo markii lagu soo dhisay Dalka Kenya waxay dadaal ugu jirtaa sidii ay u xasilin lahayd dalka Soomaaliya oo aan muddo 17 sano ah aan helin dowlad soo celisa sharcigii iyo kala dambeyntii, waxaana u dhamaaday oo ay gadaal marisay seddex sano oo ka mid ah shantii sano ee la soo doortay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






