12.8 C
London
Thursday, October 30, 2025

Shir ka dhacay Dalka Taiwan oo waxqabad loogu ballanqaaday Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img


Arbaco,
September 12, 2007(HOL):  Shir ballaran oo ay ka soo qaybgaleen Shan Madaxweyne oo Afrikaan ah iyo Ururudad Bulshada  Afrika ayaa lagu qabtay Dalka Taiwaan, iyadoo shirkaasna ay sidoo kale ka qeybgaleen ergooyin ka socday Private sectorka oo ganacsato iyo shirkado isiugu jiray.

 

Soomaaliya waxaa shirkaas uga qeybgalay oo  Magaca Ururada Bulshada lagu casuumay  Dr. Ahmed Mahamed Ali “Kiimiko”  oo isagu madax ka ah Xarunta Dimuqraadiyadda iyo Xuquuqul Insaanka ee ( Center for Democracy & Human Rights.

 

Ahmed Mahamed Ali ” Kiimiko” oo ka mid aha Ragga ugu firfircoon Ururruda Bulshada Rayidka Soomaliyeed, hawlo badan oo kal duwanna u hayo Bulshada ayaa sheegay in shirkan ay iska kaashadeen qabashadiisa Dawladda Taiwaan iyo Ururadeeda aan Dawliga ahayn iyadoo ujeedada loo qabtayna uu yahay in iskaashi cusub uu dhexmaro  Dawladda Taiwaan iyo Qaaradda Afrika.

 

Waxaa shirkaas Furay Madaxwaynaha Wadanka Taiwaan Mr. ChenShui-bian oo halkaas khudbad aad loogu riyaaqay  ka jeediyay isagoo sheegay  in Taiwaan ay diyaar u tahay in ay wax badan la qabato Qaardda Afrika oo ay dhibaatooyin fara badan haystaan. Waxaana uu carrabka ku dhuftay  in Taiwaan ay maanta fursadaan iskaashiga ah ay u furayso Qaaradda Afrika  ay haboontahay in loo arko mid ay biniaadanimadu farayso balse aan dano gaara ah laga lahayn, waayo buu yiri markii Taiwan Dhulgariirkii cuslaa ku dhacay 2001 waxaa inoo soo gurmaday Caalamka – 270 Urur oo samafal ah ayaa hawlo samatabixina inoo fidiyay. “Annagana maanta markaan ka baxaynay dhibkii oo dhaqaalahayna uu aad iyo aad u kobcay kuma sii fiirsan karno in dunida dhibaato ay kusii jiraan dadka ku nool , taasina ma aha inaan saacdinaynee waa wajib caalami ah” ayuuna yiri Madaxweynaha Taiwan.

 

Shirkan oo loogu Magac daray TAIWAN – Africa Progressive Parnership ayay sidoo kale  ka hadleen   Boqorka Swaziland iyo Madaxwenayaasha Mali, Burkiina Faaso iyo Haweeneyda Ku xigeenka u ah Madaxweynaha Gambia, iyagoo halkaas ka jeediyaya qudbado aad u kiciyay dareenka dadkii halkaas isugu yimid oo ay ka mid ahaayeen Ururrada aan Dowliga ahayn ee Taiwn oo Ganacsato iyo Shirkadaba lahaa.

 

Shirka waxaa uu Xoogga saarayay sidii la isaga kaashan lahaa Information Technology (IT) oo ay Qaarada Afrika ka aradan tahay, Arrimaha Caafimaadka, Deegaanka, Dimoqraadiyadda iyo Xuquuqda Aadanaha, Gargaarka Bani’aadannimo iyo weliba  Arrimo ku saabsan horumarinta Beeraha.

 

Axmed Kiimiko waxaa uu sheegay in shirkii Taiwan lagu guddoonsaday in wax laga qabto dhibaatooyin dhinaca Bulshada ah oo ka jira Soomaaliya, wuxuuna carrabka ku dhuftay in hoosta laga xariiqay in si deg deg ah Soomaaliya mudnaan gaar ah loo siin doono oo markaasina wax laga qaban doono adeegyo ay ka mid yihiin Waxbarashada, Caafimaadka, Shirkadaha Gaar ahaaneed, Dib u dhiska iyo Kobcinta Ururkada Bulshada ee Dalka ka jira

 

Ugu dambeyntiina, Waxaa lagu ballamay in Forum cusub oo halkan lagu aasaasay loogana dhawaaqay uu sanadkiiba  mar shir isugu imaan doono, isla markaana uu wax iska warsan doono wixii la qabtay mudadii sanadka ahayd ee laga soo gudbay.






Hiiraan Online News Desk
Ottawa, Canada
warar@hiiraan.com

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).