12.8 C
London
Thursday, October 30, 2025

Dagaal xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, September 12, 2007(HOL): Habeenkii xalay ahaa ayaa caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho waxaa ka dhacay dagaal dhexmaray Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanayay Ciidamo Itoobiyaan ah iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeday.

 

Dagaalkii xalay ka dhacay Muqdisho ayaa waxaa uu ka dhacay Wasaaraddii Gaashaandhigga iyo Xeradii Guul-wadayaasha oo fariisin u ah Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo weerarkaasina uu dhacay abaarihii 11:45pm.

 

Inkastoo aan la xaqiijin khasaaraha soo gaaray labadii dhinac ee dagaalamay, hadana waxaa jira warar sheegaya in uu dagaalkaas geystay dhimashada dad rayid ah oo ay guryahooda ugu tagtay rasaastii ay labada dhinac isku ridayeen.

 

Wararku waxay intaas ku darayaan in dagaalkaas oo markii hore ka dhex bilowday Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kooxaha hubeysan ee weerarka ku qaaday ayaa waxaa gadaal kaga biiray Ciidamo Itoobiyaan ah oo gacan siinayay Ciidamada Dowladda Federaalka.

 

Sidoo kalena waxaa habeenkii xalay ahaa Nin meyd ah la soo dhigay agagaarka Isgoyska Fagax ee Magaalada Muqdisho, iyadoo ninkaas oo da’ dhexaad ahaana ay madaxa kaga taalay rasaas. Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka ayaa saakay waxay tageen goobta meydkaas la soo dhigay, iyagoo dadkii ka dhawaa deegaankaasna su’aalo weydiiyay.

 

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa habeennadii aynu ka soo gudubnay waxaa ka dhacayay Iska hor-imaadyo hubeysan oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Federaalka oo kaashanaya Ciidamo Itoobiyaan ah iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda, iyadoo weerarradaas habeenkii dhacana ay dad badan oo rayid ah ku kalifeen in ay guryahoodii ka barakacaan, isla markaana ay deegaan ka sameystaan meelo Muqdisho duleedkeeda ah oo joogitaankooda ay dhibaato ku qabaan sabab la xiriirta in aysan deegaanadaasi lahayn adeegyada aas-aasiga ah ee ay dadka u baahan yihiin.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).