11.4 C
London
Thursday, October 30, 2025

Dagaallo ka dhacay Deegaano u dhaxeeya Gobollada Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, September 12, 2007(HOL): In ka badan 7 ruux ayaa inta la og-yahay ku dhimatay Dagaal qaraar oo ku dhaxmaray maleeshiyo Beeleed Deegaanada Ceel-dheere iyo Ceel-baraf oo ka kala tirsan Gobalada Hiiraan iyo Shabeelada dhaxe.

 

Dagaalladan oo ah kuwo ku saleysan Aargoosi Qabiil ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay ilaa 11 ruux oo dhawacooda la kala dhigay Isbitaalada Degmooyinka Jowhar iyo Buula-burte oo ka kala tirsan Gobalada shabeelada dhaxe iyo Hiiraan sida uu sheegay Gudoomiyaha golaha Odayaasha dhaqanka Gobalka Hiiraan Dacar Xirsi Xooshow.

 

Guddoomiye Dacar Xirsi waxaa uu intaas ku daray in dagaalka ku soo beegmay xili Odayaasha dhaqanka Gobalka Hiiraan isku diyaaranayeen in ay u amba baxaan ka qeyb-galka gogol nabadeed oo qorshuhu ahaa in lagu soo afjaro colaadda labada beelood, laakiin markii ay maqleen warka ku saabsan dagaalka dhinacood aad uga xumaadeed.

 

Sidoo kale guddoomiyaha Gobalka Hiiraan Yuusuf Dabageed ayaa sheegay in xiriir qadka Teloofooka ah oo uu la yeeshay Gudoomiyaha Gobalka Shabeelada Dhexe  Max’ed Cumar Deelle ay kaga wada hadleen sidii loo joojin lahaa colaada ka soo dhax-cusboonaatay beelaha Xawaadle iyo Abgaal, waxaana uu intaa raaciyay in dhawaan halkaa ay u aba bixi doonaan odayaal ka tirsan labada dhinac.

 

Sidoo kale dagaallo Dad ay ku dhinteen ayaa lagu soo waramayaa in dhawaan uu ku dhaxmaray deegaanka Baar-magoog ee dhulka is-maamulka Itoobiya beelihii horay halkaas ugu dagaalamay, waxaana wararku intaas ku darayaan in seddexdii cisho ee la soo dhaafay dagaallo halkaas ka dhacay ay ku naf-waayeen in ka badan 6 ruux.

 

Dagaalladan ayaa ku soo beegmaya xili Maamulka gobalka Hiiraan uu siweyn ugu howlan yahay wax ka qabashada arimaha Nabad-galyada guud ee gobalka Hiiraan, waxaana xusid mudan in qorshuhu yahay sida uu sheegay gudoomiyaha gobalka meelaha qaar in loo diro ciidamo kuwo Dowlada Federaalka si markaa loo xaqiijiyo nabad-galyada guud.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

diini@hiiraan.com

Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).