
Arbaco, September 12, 2007(HOL): “Soomaalida ku dhaqan qurbaha waxaa lagu qiyaasaa in ka badan 2 million kuwaas oo saameyn weyn ku yeelan karaan nabad ku soo dabaalidda dalkooda hooyo, iyagoo isticmaalaya awooddooda xagga dhaqaalaha iyo midda bulshada” sidaas waxaa yiri Jabriil Ibraahim Cabdulle, oo agaasime ka ah Xarunta Cilmi Baarista iyo Wada-tashiga, ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan (CRD).
Jabriil Ibraahim Cabdulle oo uu la socday Sarkaal ka tirsan Hay’adda CARE Somalia /South Sudan, Mohamed Bashiir ayaa maalintii Axadda ahayd waxaa uu la hadlayay hoggaanka Soomaalida ku dhaqan magaalooyinka Washington, Virginia iyo Maryland wuxuuna uga warbixiyay kaalinta weyn oo Soomaalida qurbaha ku nool ay ka qaadan karaan howlaha horumarineed ee ka jira dalka gudhiisa.
“Degaan kasta ee Soomaaliya ka tirsan waxaad ku arkaysaa astaan ama raad ay ku leeyihiin Soomaalida qurba jooga ah. Waxaa jira dhismayaal, Xaruumo caafimaad, dugsiyo wax lagu barto, Jamacado oo ay dhamaantoodba maal-galiyeen Soomaalida qurbaha ku nool”ayuu yiri Jabriil Ibraahim Cabdulle oo intaas ku sii daray.

“Hantida Soomalida ku nool qurbaha ay galiso Soomaaliya waxaa lagu qiyaasaa $1.5 billion oo dollar taasoo ka badan lacagta hay’adaha deeqaaha bixiya galiyaan Soomaaliya, waxaa lama huraan ah in Soomaalida qurba joogi ahi ay cod ku yeeshaan arimha horumarineed ee quseeya Soomaaliya” sidaas waxa yiri Jabril Ibrahim Abdulle, oo intaas sii raaciyay “Waxay ila tahay inaad fursaddaas ka faa’iideysataan.”
Maxamed Bashiir ayaa isna ka warbixiyay howlaha Hay’ada CARE ka wado Soomaaliya iyo sida ay lama huraan u tahay in la isku xiro Soomaalida qurabaha joogta iyo kuwa gudaha ku jira.
“Barnaamijkan oo ay soo qaban qababisay Hay’adda CRD, waxaa uu horay u soo maray qaar ka mid ah wadamadda Yurub oo ay kula soo kulmeen Soomaalida ku dhaqan deegaanadaas. Barnaamijkan waxaa uu qayb ka yahay dadaal loogu jiro sidii la isugu xiri lahaa Soomaalida ku dhaqan Qurbaha iyo Ururudda Bulshada Rayidka ah ee ka jira dalka” ayuu yiri Maxamed Bashiir.
Dhibaatooyinka ugu waa weyn ee haysta Soomaalida ku dhaqan dibadda ayaa waxaa ka mid ah sidii loo joogteen lahaa hoowlaha horumarineed ee ay iyagu Qarashka geliyaan. Jabriil Ibraahim Cabdulle oo ka hadlayay arintaas waxaa uu yiri “ Waxaa jira skuullo iyo xaruumo caafimaad oo ay dhiseen Soomaalida dibadda ku dhaqan, qaar ka mid ah hantidaas waa ay bur buraan, waxaana ugu wacan, iyadoo ayan jirin maalgelin joogto ah”
“Waa ay adagtay in Soomaalida ku dhaqan qurabaha ay lacag joogto ah iska qaadaan, sidaas darteed waxaa lama huraan ah in la abuuro xiriir wada shaqeyneyd iyo mid maalin-galineed oo dhexmara Soomaalida dibada ku dhaqan iyo hay’addaha deeqaha bixiya” ayuu mar kale yiri Jabriil Ibraahim Cabdulle oo sheegay in Hay’adaha Deeqaha bixiya ay ka cago jiidaan in ay taageero dhaqaale bixiyaan iyadoo aan ballanqaadyo la helin.
Laakiin waxaa jirta dhibaato kale oo ah in Soomaalida qurbuhu ay sugayaan in kuwa gudaha joogaahi ay u xasiliyaan dalka, kuwa gudaha joogaahina ay sugayaan in kuwa qurbuhu ay gacan ka gaystaan nabadda iyo dibu dhiska dalka Soomaaliya
“Marka waxaa jira is eegasho: Qolaba qolade kale ayay ka sugaysaa inay tallaabada hore qaado,” ayuu yiri Jabriil. “Xaqiiqda marka laga hadlo, jaaliyadaha qurbaha ayay tahay inay tallaabada hore qaadaan” ayuu yiri Jabriil.
Saciid Salaax, ayaa waxaa uu sheegay in Soomaalida dibadda ku nool ay u baahan yihiin in ay sameeyaan dib-u-heshiisiin dhexdooda ah. “ Waxaan ka codsanaynaa CRD in ay naga caawiso in “Dialogue” laga dhexfuro Soomaalida ku nool qurbaha” howsha CRD ka wado dalka gudihiisa mid la mid ah ay looga baahan yahay qurbaha.
Ka soo qayb-galyaasha waxaa loo soo bandhigay qoraalo iyo warbixinno ballaaran oo ku saleesaysan cilmibaaris ay CRD ka sameeysan gudaha iyo dibadda dalka. Sidoo kale waxaa lagu soo bandhigay barnaamijyo ay qabatay Hay’adda CARE Somalia/South Sudan.
Ugu dambeyntiina Waxaa shirar noocan oo kale lagu qaban doonaa Haddii Alle idmo Magoolooyin ka tirsan Dalalka Yurubta iyo Mareykanka.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






