11.4 C
London
Thursday, October 30, 2025

11 Ruux oo Gaajo ugu geeriyootay Degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, September 10, 2007(HOL):  11 Ruux oo uu isugu jiray Caruur, Haween iyo Dad Waayeello ah ayaa Gaajo iyo Daryeel la’aan ugu yeeriyooday Degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir, iyadoo dadkaasina ay ahaayeen kuwo ka barakacay dhibaatooyinka ka jira gudaha Magaalada Muqdisho.

 

Guddoomiyaha Degmada Deyniile Xaaji Cumar Cali Gaboobe ayaa sheegay in Dadkii Deegaankooda ku geeriyooday ay aaseen, isagoo carrabka ku dhuftay in ay jiraan dad kale oo ku baaba’san degmada Deyniile, sidaas darteedna wuxuu ka codsaday Hay’adaha Samafalka in ay Dadkaas u soo gurmadaan.

 

Guddoomiyaha Degmada Deyniile waxaa uu sheegay in Dadka gudaha Muqdisho ka soo barakacay ee Degmadooda ku sugan ay tiradooda gaareyso Kun Qoys, kuwaasi oo aan heysan adeegyadii Buslhada ee ay u baahnaayeen, wuxuuna ku celceliyay in Dadkaas gurmad deg deg ah lala soo gaaro.

 

Xaaji Cumar Cali Gaboobe, Guddoomiyaha Degmada Deyniile waxaa uu intaas ku daray in saaka oo ugu dambeysay ay deegaanada hoos yimaada Degmadaas gaareen Qoysas hor leh oo ka barakacay Madaafiic xalay lagu garaacay xaafado ka mid ah Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo sababay dhimashada 4 ruux oo Hal Qoys ahaa iyo dhaawaca Dad kale oo gaaraya 10 ruux.

 

Dad badan oo ka barakacay Dhibaatooyinka nabadgelyo la’aaneed ee ka jira Magaalada Muqdisho oo qudhooda caawinaad u baahan ayaa waxay ku sugan yihiin Deegaannada Ceelasha Biyaha, Xaawo Cabdi, Lafoole, Shiikh Cali Cabdulle, Galgalato iyo Ceel Macaan oo dhamaantood ah Deegaano ka baxsan Magaalada Muqdisho.

 

Dhanka kalena, Naafada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku jirta Isbitaalka Martiini ee Magaalada Muqdisho ayaa waxay maanta codsi u direen Dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalka gudahiisa iyo Dibaddiisa, kuwaasi oo ay u jeediyeen codsi ah in loo soo gurmado oo kaalmooyin la soo gaarsiiyo, si Deeqaha la soo gaarsiiyo ay ugu kaashadaan Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).