Isniin,
Ilaa shan Qarax oo ka dhashay Bambooyinka gacanta laga tuuro ayaa lagu qaaday Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo ku sugan Isgoyska SOS ee Degmada Huriwaa ee Gobolka Banaadir, iyadoo Qaraxyadaasna la sheegay in uu ku dhaawacmay Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka.
Dad Goob-joogayaal ah oo ku sugnaa agagaarka Isgoyska SOS ayaa sheegay in aan la aqoonin khasaaraha ka dhashay Qaraxyadaas marka laga reebo Askariga ka tirsan Dowladda Federaalka oo ay indhahooda saareen. Waxaa gebi ahaanba joogsaday dhaqdhaqaaqii ganacsiga Isgoyska SOS iyo weliba isu socodkii Dadka iyo Gaadiidka.
Ciidamada Qaraxyadaas lala beegsaday ayaa shalay ku laabtay Xaafadda SOS kadib markii ay maalmo hore ka soo baxeen halkaas, sabab lagu macneeyay in ciidamadii halkaas ku sugnaa loo baahday in ay meelo kale ka howlgalaan.
Dhanka kalena, Nin Rayid ah ayaa maanta waxaa lagu dilay Gudaha Suuqa weyn ee Bakaaraha, gaar ahaan qeybta loo yaqaano Cir-toogtaha, waxaana la sheegay in ay ninkaas toogteen 9 nin oo Bastoolado ku hubeysnaa, kuwaasi oo intii aysan dilin ka hor siiyay amar ahaa in uu iska dhiibo Bastoolad uu heystay, iyadoo markii uu Bastooladda dhiibay kadibna ay toogteen.
Suuqa Bakaaraha oo ah Suuqa ugu weyn ee Soomaaliya ayaa maalmahan xaaladdiisa ammaan waxay tahay mid aan hagaagsaneyn, waxaana gudaha Suuqa isku ceyrsada Kooxo wax qarxiya iyo Ciidamada Dowladda Federaalka, kuwaasi oo fariisimo ka sameystay Waddooyinka waa weyn ee laga soo galo Suuqaas.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






