11.4 C
London
Thursday, October 30, 2025

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo ka qeybgelaya Xuska Sanadguuradii 2000aad ee Taariikhda Itoobiya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, September 10, 2007(HOL): Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka dhoofay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, isagoo ku sii jeeday Caasimadda Dalka Itoobiya ee Addis Ababa.

 

Madaxweyne Yuusuf ayaa la xaqiijiyay in uu ka mid noqon doono madax ka imaaneysa Qaaradda Afrika iyo kuwo kale oo  iyana ka imaan doona dalalka kale ee Caalamka, kuwaasi oo Magaalada Addis Ababa u imaanaya sidii ay uga qeybqaadan lahaayeen xuska sanadguuradii 2000aad ee Taariikhda Itoobiya.

 

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa sidoo kale la filayaa in inta uu joogo uu kulamo la qaato Madaxda Dowladda Itoobiya oo ay Ciidamo badan ka joogaan Soomaaliya iyo weliba Madaxda Midowga Afrika ee ku sugan Magaalada Addis Ababa.

 

Socdaalka uu madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu amba baxay Dalka Itoobiya ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo habeenkii xalay ahaa Madaafiic dhowr ah oo sida la sheegay loo waday Xarunta Villa Somalia ee fariisinka u ah Madaxweynaha ay ku dhinteen afar ruux oo isugu jiray 3 caruur ah iyo Hooyadood, halka ay jiraan dad kale oo Madaafiicdaas ku dhaawacmay.

 

Madaxda ugu sareysa Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ay cabaar joogaan Magaalada Muqdisho oo aaney xaaladdeeda ammaan hagaagsaneyn waxay u baxaan Safarro isugu jira kuwo gaar ahaaneed iyo kuwo howleed, iyadoo maanta oo ugu dambeysayna ay Garoonka Aadan Cadde isku dhaafeen Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo dalka ka dhoofay iyo Ra’iisal Wasaare Geeddi oo isna ku soo laabtay.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).