Isniin,
Ganacsade Xaaji Abuukar, ayaa hadalkaasi u sheegay Weriyayaasha, kadib, markii mar uu Ra’isul-wasaaraha DFKMGS, Prof. Cali Maxamed Geeddi xalay kula kulmay dalka Jabuuti.
Hadalka Ganacsade Abuukaar Cumar Caddaan, ayaa ku soo beegmay, kadib, markii uu Ra’isul-wasaare Geeddi safar hawleed ku tegay dalka Jabuuti, si uu Ganacsade Abuukar Cumar Caddaan uga codsado inuu gacan ka geysto sidii Maleeshiyooyinka Maxkamadaha u oggolaadaan Cafiska ay Dowladda Federalka u fidisay.
Dhinaca kale, Xaaji Maxamuud Cumar Caddaan, oo ay walaalo yihiin Xaaji Abuukar Cumar Caddaan, ayaa oggolaaday inuu dib ugu soo laabto magaalladda Muqdishu, wuxuuna ka mid ahaa Wafdigii uu hoggaaminayey Ra’isul-wasaare Geeddi ee saakayto ku soo laabtay magaalladda Muqdishu.






