11.4 C
London
Thursday, October 30, 2025

Ra’iisal Wasaare Geeddi iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo Muqdisho ku soo laabtay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, September 10, 2007(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta dalka dib ugu soo noqday kadib markii uu socdaal dhowr cisho qaatay uu  ku tegay Dalka Jabuuti.

 

Ra’iisal Wasaare Geeddi ayaa Dalka Jabuuti waxaa uu u tegay sidii uu kulan ula qaadan lahaa Ganacsade Abuukar Cumar Caddaan oo si weyn u taageeri jiray Maxkamadihii Islaamka, kaasi oo ay Ra’iisal Wasaaraha isku heyb yihiin.

 

Kulanka Ra’iisal Wasaare Geedi iyo Ganacsade Abuukar Cumar Caddaan ku dhexmaray Dalka Jabuuti oo ay ka qeybgaleen ganacsadayaal kale oo ay ka mid ahaayeen C/qaadir Eenow iyo Bashiir Raage ayaa waxaa la sheegay in uu ku soo dhamaaday jawi is-af-garad leh.

 

Dhanka kalena, Warar aynu ka helnay ilo lagu kalsoonaan karo ayaa waxay sheegayaan in Ra’iisal Wasaare Geeddi uu Muqdisho la yimid Ganacsade Maxamuud Cumar Caddaan oo qudhiisa Maxkamadihii Islaamka si weyn u taageeri jiray, iyadoo taasina uu marag muujin u yahay is-af-garadka dhexmaray labada dhinac.

 

Ugu dambeyntiina, Ganacsade Abuukar Cumar Caddaan oo bilowgii sanadkan laga qabtay Xadka u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya xili uu ka sii cararayay Dagaalladii xukunka looga tuuray Maxkamadihii Islaamka, kaasi oo ay si weyn uga qeyb-qaateen Diyaaradaha Mareykanka iyo Taangiyada Itoobiya, inkastoo markii dambe Maxkamad Kenya ku taala ay sii deysay kagadaal markii lagu waayay dembi lagu soo eedeeyay oo ahaa in uu sharci darro ku galay Dalka Kenya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).