Isniin,
Yuusuf Dabageed ayaa sheegay in weerarka lagu qaaday uu muujinayo wali gudaha magaalada in ay ku harsan yihiin sida uu hadalka u dhigay shaqsiyaad xiriir la leh Midowgii maxkamadaha ee laga awooda roonaaday, waxaana uu intaa ku daray in wixii hada ka danbeeya sugida amaanka guud loo xilsaarayo Saraakiisha Itoobiya oo kaashanaya kuwa Dowlada Federaalka.
Sidoo kale gudoomiye Dabageed waxaa uu intaa ku daray in uusan jirin wax amaan ah oo gacanta ugu jira maamulkiisa islamarkaana uu ku fashilmay howlihiisii la xiriiray sugida Nabad-galyada, sidaa daraadeed wixii hada ka danbeeya saarkiisha Itoobiyaanku u madax-baanyihiin wax ka qabashada arimaha nabad-galyada.
Sarkaalka ugu sareeya Ciidamada Itoobiya ee jooga magaalada Beledweyne oo hadal dheer ka jeediyay kulanka ayaa sheegay in wax loo dulqaadan karo aysan aheyn qaraxyada iska soo daba noqonaya, isaga oo intaa raaciyay in maamulka gobalka laga doonayo oo kaliya in uu soo gudbiyo wararka ku aadan sida uu hadalka u dhigay kooxaha wali xiriirka la leh Shabakada Al-qaacida ee wali jooga Gobalka Hiiraan.
Sarkaalku waxaa uu intaa ku daray in labo Ciidan oo iska soo horjeeda aysan wada joogi karin hal Gobal “” Muqdisho oo ka baxad weyn gobalka Hiiraan ayaa ku tala galku yahay in laga ciribtiro kooxaha Arga-gixisada ayuu yiri Sarkaalka Ciidamada Itoobiya kulanka uga qeyb-galay, oo dhinaca kalana sheegay in shaqsiyaadka u shaqeeya cadawga hadii la og-yahay farta lagu fiiqo.
Guddoomiyaha gobalka Hiiraan oo dhawaan ka bad baaday isku day dil ayaa hada u muuqda Mas’uul howsha sugida amaanka faraha uga qaadaya laamaha ay quseyso, halka markii hore uu isagu gudoomin jiray marka ay timaado talada ugu sareysa ee sugida nabad-galyada gobalka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online






