Isniin,
Qoyskaas baaba’ay oo uu kaliya ka haray Aabihii Qoyska ayaa waxaa guriga ay deganaayeen oo Jiingad ka sameysnaa ugu galay labo Madfac oo Hoobiye ah, kuwaasi oo aan la ogeyn meel laga soo tuuray.
Magacyada caruurta geeriyootay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray C/raxmaan Maxamed C/llaahi, Ibraahim Maxamed C/llaahi iyo Liibaan Maxamed C/llaahi, halka Hooyadoodna lagu magacaabi jiray Fardowso Xasan Maxamed.
Dhibaatada soo gaartay Qoyskaas ayaa waxaa si weyn uga xumaaday Dadka ku Dhaqan Magaalada Muqdisho, gaar ahaan kuwii deriska la ahaa oo iyagu goob-joog u ahaa sida ay Madaafiicdaas u galeen Qoyskaas oo uu ka badbaaday Maxamed C/llaahi oo ah Aabihii Qoyskaas, kaasi oo qudhiisa la sheegay in uu soo gaaray dhaawac.
Sidoo kalena Madaafiic kale oo iyana xalay ku dhacay Guri ku yaala Agagaarka Suuqii Xoolaha Wardhiigley, iyadoo halkaasina uu ku dhaawacay hal Ruux. Madfac kale oo ku dhacay guri ku yaala agagaarka Umulotooriyadii Ceel Gaab ayaa waxaa ku dhaawacmay qof kale.
Madaafiicdii xalay ku dhacday xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho ayaa waxay ahaayeen kuwo aan in muddo ah la maqlin tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay soo af-jarmeen Dagaalladii Muqdisho ka dhacay Bilihii Maarso iyo April ee aynu ka soo gudubnay.
Dhanka kalena, Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku jira Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium ayaa waxaa weerar ku qaaday kooxo hubeysan, waxaana nawaaxiga Garoonkaas laga maqlayay Rasaas yar yar iyo mid waa weyn oo ay isu adeegsanayeen labada dhinac.
Ugu dambeyntiina Si kastaba Arrintu ha ahaatee Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa waxaa ka dhaca iska hor-imaadyo hubeysan oo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya ee gacanta siinaya iyo weliba dilal loo geysanayo Dad Rayid ah oo aan waxba galabsan, kuwaasi oo ay ku jiraan Dadka Bulshada Indhaha u ah.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






