14.2 C
London
Friday, November 7, 2025

Ra’iisal Wasaare Geeddi oo sheegay in aan la ogolaan doonin in la kaxeeyo Gaari aan lahayn Buugga lahaanshaha iyo Aqoonsiga Wadista Baabuurta

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, September 01, 2007HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi oo maanta ka qeybgalay xaflad lagu furayay Xarun ay ku howlgeli doonto Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka ayaa wuxuu sheegay in aan la ogolaan doonin in la kaxeeyo Gaadiid aan lahayn Buugga lahaanshaha iyo weliba Aqoonsiga Wadista Baabuurta.

 

Ra’iisal Wasaare Geeddi waxaa uu sheegay in qofkii lagu arko isagoo wada gaari aan lahayn labadaas aqoonsi loo aqoonsan doono in uu yahay qof sharci darro ku socda, wuxuuna Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka uu faray in ay si dhaqsi ah u sameyso aqoonsiyadaas, isla markaana ay gaadiidka diiwaangeliso.

 

Ra’iisal Wasaaraha wuxuu intaas ku daray in   marka la sameeyo aqoonsiyadaas ay meesha ka bixi doonaan Gaadiidka sharci darrada lagu kaxeeyo ee isaga kala goosha Gobollada Dalka Soomaaliya.

 

Sidoo kalena Xafladdii lagu furayay Xarunta ay ku howlgeli doonto Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka waxaa ka hadlay Wasiirka Wasaaraddaas Maxamed Ibraahim Xaabsade oo sheegay in Wasaaraddiisa ay soo nooleyn doonto adeegyadii ay Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka u qaban jirtay Dadka Soomaaliyeed.

 

Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka ayaa tan iyo markii la magacaabay waxay dayactir ku sameysay Tower-ka ku yaala Garoonka Diyaaradaha, Qeybta Diyaaradaha lagala hadlo iyo weliba Xafiisyo hoos yimaada Wasaaradda oo gudaha Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho ku yaala.

 

 Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).