11.2 C
London
Monday, October 27, 2025

Qaraxyo ka dhacay Suuq Bacaad iyo Isgoyska Black Sea oo Sababay dhaawaca 8 Ruux oo isugu jiray Dad Rayid ah iyo Ciidamo Boolis ah

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, October 09, 2007(HOL): 8 Ruux ayaa ku dhaawacmay qaraxyo gaaraya 5-qarax oo ka dhacay inta u dhexeysa Isgoyska Black Sea iyo Shiirkole ee Magaalada Muqdisho, waxaana qaraxyadaan ay ahaayeen kuwo lala beegsaday ciidamo Booliis ah.

 

Qaraxyada ayaa waxay billowdeen kadib markii ciidamada birmadka booliiska ee fariisinkoodu yahay Xeradii  Guulwadayaasha ay soo gaareen iyagoo wata gawaarida dagaalka isgoyska Black Sea.

 

Goobjooge ku suganaa goobta ay qaraxyadu ka dhaceen ayaa sheegay in qiyaastii 5-qarax oo ka dhacay inta u dhexeysa Isgoyska Black Sea iyo Shiirkole ay sababeen dhaawacyada 7-ruux, kuwaasoo 4-ka mid ah ay ahaayeen booliiskii qaraxyada lala beegsaday.

 

Ciidanka ayaa waxay rideen markii qaraxyadu dhaceen rasaas aad u xooggan, taasoo sababtay dhaawaca 3-ruux oo rayid ah, iyadoo ay baxsadeen kooxihii Qaraxyadaas geystay oo ahaa kuwo aan la garanayn.

 

Wararka ayaa waxay sheegayaan in ciidamadii lala beegsaday qaraxyada ay dib ugu laabteen xaruntoodii, iyadoo markaas kadib uu Isgoyska Black Sea noqday mid lagu cararay oo ay gebi ahaanba istaageen socodkii dadka iyo gaadiidka iyo weliba dhaqdhaqaaqyadii ganacsi ee ka socday.

 

Dhanka kalena, Qarax kale oo lala beegsaday Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxaa uu ka dhacay Suuqa labaad ee Magaalada Muqdisho oo ah Suuq Bacaad, wuxuuna qaraxaasi geystay dhaawac hal askari.

 

Qaraxaas kadib ayaa waxaa Suuqa soo gaaray Ciidamo Soomaali iyo Itoobiyaan isugu jiray, kuwaasi oo halkaas ka sameeyay howlgallo baaris ah, inkastoo aan la soo sheegin cid ay u qabteen in ay Qaraxaas ka dambeysay ama xitaa ay wax ka ogeyd.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).