10 C
London
Monday, October 27, 2025

Mid ka mid ah Garsoorayaasha Maxkamadda Gobolka Banaadir oo cabsi darteed isaga casilay Xilkii uu hayay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, October 08, 2007(HOL): Mid ka mid ah Garsoorayaasha Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa cabsi darteed wuxuu isaga casilay xilkii uu hayay, isagoo sheegay in uusan maanta kadib wax xil ka heynin maxkamaddaas.

 

Dr. C/qaadir Axmed Nuur (Bukhaari) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa wuxuu sheegay in uu go’aankaas qaatay kadib markii ay u hanjabeen sida uu u yiri Kooxihii Dadka dili jiray.

 

Dr. C/qaadir waxaa uu sheegay in dhawaan Muqdisho lagu dilay ku xigeenkii Xeer-ilaaliyaha Guud Dr. C/qaadir Maxamed Shiikh (Aayatullaahi), Guddoomiyihii Maxkamadda Huriwaa Shiikh C/qaadir Maxamed Warsame, halka uu sheegay in ay Garsoorayaal badan oo uu ku jiro Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Hodan ay guryahoodii isaga soo carareen, isla markaana ay haatan seexdaan Xafiisyo iyo Hotello aysan kharashkooda iska bixin karin.

 

Dr. Bukhaari oo sii hadlayay waxaa uu intaas ku daray in aysan Garsoorayaasha Maxkamadda Gobolka Banaadir qaadan wax mushaar ah muddo 9 sagaal bilood ah, hadana iyagoo wax la’aantaas ku shaqeynayay ay haatan la soo derseen Dil iyo Handadaad uga imaanaya Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Waa mas’uulkii ugu horeeyay oo ka tirsan Hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya oo si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu joojiyay howshii uu Dowladda u hayay tan iyo markii Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka ay bilaabeen in ay dilaan Dadka Dowladda u shaqeeya, walow ay jireen Dad diiday in ay qabtaan Xil loo dhiibi lahaa, waxaana ugu dambeeyay Dadkaas Nin lagu magacaabo Xasan Cali Warento oo iska diiday in uu qabto Xilka Guddoomiyenimada Degmada Waaberi oo uu u magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, isagoo ku gaabsaday in uusan xiligan diyaar u ahayn in xil ka qabto Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).