Isniin,
Ciidamada Itoobiyaanka oo ka soo baxay Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium ayaa hareereeyay Guriga Dr. Culusow, kadibna waxay kaxeysteen labadaas Nin oo la sheegay in ay guriga ilaalo ka ahaayeen.
Lama garanayo ilaa iyo haatan ujeedada ay Ciidamada Itoobiyaanka Raggaas u kaxeysteen, waxayse Dadka Deegaanka sheegeen in ay Ciidamada ku socdeen tilmaan waayo ayay yiraahdeen waxay wateen Warqad ay ku qoran yihiin magacyada Ragga ay kaxeysteen.
Labada Nin ee laga kaxeystay Guriga Dr. Culusow ayay Ciidamadu la aadeen dhinaca Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium, iyadoo aan ilaa iyo haatanna la ogeyn sida uu yahay xaalkooda.
Guriga Guddoomiyaha Guddiga Siyaasadda Beesha Cayr Dr. Maxamed Maxamuud Culusow ayaa wuxuu ku yaalaa dhanka Qorax ka soo baxa Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium, iyadoo halka uu ku yaalana ay tahay meel ay Dadkii deganaa uga barakaceen sabab la xiriirta cabsi ay ka qabaan dhibaato ka soo gaarta Ciidamada ku sugan Garoonkaas.
Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee gacanta siinaya ayaa had iyo jeeraale waxay guryahooda ama goobahooda ganacsiga ka kaxeystaan Dad bartilmaameed u ah oo ay ku eedeeyaan in ay Xiriir la leeyihiin Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee Dalka Soomaaliya.
Dhawaan ayay ahayd markii Ciidamada Dowladda Federaalka ay Dad badan ka kaxeysteen Masjidyo ay ka mid yihiin Abuu Hureyra, Al-Huddaa iyo Shiikh Cali Suufi iyo weliba Dugsi lagu barto Culuumta Islaamka oo ku yaala agagaarka Isgoyska KM4, walow markii dambe dadkaas lagu soo daayay cafis uu u fidiyay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






