10.9 C
London
Monday, October 27, 2025

Jaaliyadda Yemen ee ku dhaqan Magaalada Beledweyne oo ka cabatay sidii loola dhaqmay Nin u dhashay Dalkooda oo ay dileen Ciidamada Itoobiya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, October 08, 2007(HOL): Inkastoo aysan Jecleysan in la muujiyo Magacyadooda Shaqsiyaadka ka tirsan Jaaliyada Yaman ee  Cabashadan soo saaray, ayaa hadana waxaa ay u sheegeen HOL in ay siweyn uga xumadeen wararka sheegaya in Ciidamada Itoobiyaaku Dileen Wiil dhalin yaro ah oo ka soo jeeda dalka Yaman oo dhawaan Ciidamada Booliska Magaalada Beledweyne Dileen sida wararku sheegayaan.

 

Jaaliyaddu waxaa kaloo ay sheegtay in warka ku saabsan dilka Wiilka dhalin-yarada ah ay u xaqiijeen shaqsiyaad kala duwan oo siweyn ugu dhaw Ciidamada Itoobiya, iyaga oo intaa ku daray in ka hor inta aan la dilin uu jiray wada hadal u socday Ehelada Wiilka oo ku sugan Magaalada Marka iyo Ciidamada Itoobiyaanka.

 

Midka ka mid ah Xubnaha Jaaliyada Yaman ee Magaalada Beledweyne ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in xitaa war buuxa aysan ka helin dhinaca maamulka si markaa ay ula socdaan mar walba xaalada uu ku sugan yahay Wiilka la sheegay in la dilay, “” Hadii uu danbi lahaa wiilkaasi waxaa wanaagsanaan laheyd in maamulku uu maxkamad soo taago, halkii gacanta looga galin lahaa Ciidamada Itoobiya ayuu hadalkiisa sii daba dhigay”,

 

Jaaliyadda Yaman ayaa sidoo kale intaa  sii raacisay in hadii uu si rasmi ah u soo baxo warka ku saabsan dilka Wiilka dhalin-yarada markaa ay u qaadanayaan dacwadooda dhinaca Maxkamada Sare ee dalka  si markaa arinkaa wax looga qabto.

 

Jaaliyadda ayaa dhinaca kale uga mahad cilisay HOL sida  mar walba ay ula soctay warka ku saabsan Wiilka la sheegay in ay Dileen Ciidamada Itoobiyaaka, waxaase xusid mudan in wali dhinaca maamulku arintaa wax war ah ka soo saarin.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

diini@hiiraan.com

Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).