10 C
London
Monday, October 27, 2025

Isimada Gobolka Sool oo Baaq ka soo saaray Xiisadda Somaliland iyo Puntland ugu dhaxeysa Gobolkaas

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, October 08, 2007(HOL): Isimo ka soo jeeda Gobolka Sool oo dhawaan shir ku yeeshay magaalada Laas-Caanood ayaa waxay shirkooda kaga hadleen Xiisadda ka dhex-taagan maamullada Puntland iyo Somaliland.

 

Isimida Shirka isugu yimid oo tiradoodu gaareyso 12 Isim, isla markaana la safan maamulka Puntland ayaa waxay maamulka Somaliland ku eedeeyeen in uu weerar gardarro qaawan ah ku soo qaaday dhulkooda, isla markaana ay go’aansadeen inay dhulkooda difaacaan oo markaasina ay iska celiyaan weerarka uu maamulka Somaliland ku doonayo dhul ballaarisiga.

 

“Gobollada Sool, Sanaag iyo Ceyn waxay ka mid yihiin Maamulka Puntland, wixii khasaare ah oo ka yimaadana waxaa qaadi doona maamulka Somaliland”ayaa lagu yiri Qoraalka ay soo saareen Isimmadaas.

 

“hadda waxaan Caalamka u soo jeedineynaa in Maamulka Somaliland lagu booriyo inay Ciidamadooda kala baxaan Dhulkayaga ee ay mudada dheer gardarrada ku heysteen”ayaa mar kale lagu yiri qoraalka ay Isimmadu soo saareen.

 

Halkan ka fiirso Qoraalka ay Isimmada soo saareen oo Sawirran

 

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).