10 C
London
Monday, October 27, 2025

Fatahaad uu sameeyay Webiga Shabeelle oo Go’doomiyay Magaalada Jowhar

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, October 07, 2007(HOL): Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxay sheegayaan in Magaaladaas ay haatan go’doon ku jirto kadib markii biyo ka soo fatahay Webiga Shabeelle ay gooyeen Wadada Laamiga ah ee isku xirta Muqdisho iyo Jowhar iyo Jowhar iyo Gobollada Dhexe.

 

Buq ka fatahday Deegaan lagu magacaabo Boodaale oo u dhaxeeya Degmooyinka Balcad iyo Jowhar ayaa waxay ka talowday Wadada Laamiga ah, kadibna waxaa istaagay gaadiidkii ka imaan jiray iyo kuwii geli jiray Degmada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

 

Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeelaha Dhexe Xuseen Xasan Maxamuud (Xuseen Dheere) oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Jowhar ayaa sheegay in fatahaad uu Webiga Shabeelle ku sameeyay Deegaano ka tirsan Degmada Jowhar ay keentay in ay Dadka Reer Jowhar ay go’doon galaan, wuxuuna Guddoomiye ku xigeenka ugu baaqay Ganacsatada iyo Hay’adaha Samafalka in ay Fatahaaddaas wax ka qabtaan.

 

Guddoomiye ku xigeenka waxaa uu sheegay in Wadada Laamiga ah ee magaalooyinka kale ee Dalka ku xirta magaalada Jowhar ay gooyeen biyo ka soo fatahay Webiga, halka Waddooyinkii Dhoobeyda ahaa ee la mari lahaana ay iyana jareen Biyo Roobka Deyrta uu keenay, sidaas darteedna wuxuu ku tilmaamay  Dadka ku dhaqan magaalada Jowhar kuwo go’doon ku jira oo u baahan gurmad deg deg ah.

 

Xuseen Dheere waxaa uu sheegay in ay Dowladda Dhexe ee Soomaaliya ku wargeliyeen Dhibaatada Fatahaadda ka dhalatay ee Gobolka Shabeelaha Dhexe heysata, balse waxaa uu sheegay in aysan ilaa iyo haatan wax jawaab ah ka helin dhinaca Dowladda Federaalka.

 

Ugu dambeyntiina, iyadoo Dadka Jowhar ay ka wel welsanaayeen Fatahaadda uu ku sameeyay Webiga Shabeelle ayaa hadana waxaa saakay lagu arkay Xaafadda Kulmis ee ka tirsan Xaafadaha Degmada Jowhar Biyo Siimow la yiraahdo oo dhulka hoostiisa ka soo burqada, kuwaasi oo dhex fariistay dhowr guri oo xaafaddaas ku yaala, waxayna taasi Dadka ku dhaqan Magaalada Jowhar ay ku sii kordhisay wel-welkii ay ka qabeen waxyeello ka soo gaarta Fatahaadda Webiga Shabeelle.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).