Axad,
Qoraalka Digniinta ah ee uu soo saaray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa wuxuu ku socday Guddoomiyayaasha Degmooyinka C/Casiis iyo Shangaani, kuwaasi oo uu sheegay Maxamed Dheere in ay ku sifoobeen xil gudasho la’aan.
Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Muxyaddiin Cali oo Qoraalka uu soo saaray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Saxaafadda u aqriyay ayaa wuxuu sheegay in Guddoomiyayaashaas loo sheegay in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono haddii ay xilkooda Qaran gudan waayaan.
Digniinta uu Maxamed Dheere u jeediyay Guddoomiyayaashan ayaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo muddooyinkan la ugaarsanayay Guddoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir oo qaar badan oo ka mid ah horay loo dilay.
Dhanka kalena, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Dheere waxaa uu maanta booqday Dhowr Degmo oo ka tirsan Gobolka Banaadir, kuwaasi oo ay ka socdeen howlgallo amniga lagu sugayo, waxaana Degmooyinka uu booqday ka mid ah C/Casiis, Shangaani, Kaaraan, Shibis, Boondheere iyo Yaaqshiid.
Magaalada Muqdisho ee caasimadda u ah Dalka Soomaaliya ayaa shalay iyo maanta waxaa ka socda howlgallo ay wadajir u sameynayaan Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya, iyadoo howlgalladaasi oo socon doona muddo 17 maalmood ahna la sheegay in lagu sugayo ammaanka Magaalada Muqdisho oo muddooyinkan xumaa.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






