Axad, October 07, 2007(HOL): Odayaasha Beelaha Hawiye ayaa waxay ku eedeeyay Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee howlgallada ka sameynaya magaalada Muqdisho in ay falal dhac ah u geystaan Dad ku dhaqan meelaha ay ka howlgalaan.
Guddoomiyaha Garab ka mid ah Golaha Dhaqanka Midnimada Beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad ayaa sheegay in Ciidamo shalay ka howlgalay Xaafado ku yaala Duleedka Wadada Warshadaha, gaar ahaan Deegaanka Gubta ay dhac u geysteen dad halkaas Dukaamo ku lahaa, iyagoo dhacay 58 Dukaan oo ay ka qaateen Lacag Sh. So iyo Doollar isugu jirtay, iyagoo sidoo kalena Gaadiid kala baxay Garaash halkaas ku yaala.
“Ciidamadan waxa ay wadaan amni sugid ma ahan ee waa amni sii xumeyn, horay ayaana u sheegnay in howlgallada la sheegay in Muqdisho laga sameynayo ay yihiin kuwo la doonayo in Dad hor leh lagu barakiciyo, isla markaana lagu dhaco hantida shacabka”ayuu yiri Maxamed Xasan Xaad.
Maxamed Xasan Xaad waxaa uu ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay Ciidamadaas Shacabka ka qabato, bacdamaa aysan u dhaqmeynin qaabkii lagu yaqiinay Ciidamo Dowladeed, wuxuuna farta ku fiiqay in Deegaannada ay howlgalka ka bilaabeen uu ka bilowday barakac hor leh.
Laakin waxaa eedeyntaas beeniyay G/lle C/waaxid Maxamed Xuseen oo Ciidamada Booliska Dowladda Federaalka u qaabilsan Xiriirka Dadweynaha iyo Saxaafadda, wuxuuna sheegay C/waaxid in aysan Ciidamada Dowladda Dadka dhac u geysan, balse ay yihiin waxa sidaas leh Dad Hub iyo waxyaabo qarxa laga helay guryahooda iyo goobahooda ganacsiga, kuwaasi oo sheegaya in la dhacay, iyagoo sida uu yiri lacagta ay sheegayaanna ay tahay mid ay ku qiimeysanayaan Hubkii laga qaaday.
C/waaxid Maxamed Xuseen waxaa uu sheegay in howlgalladii ay shalay sameeyeen Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya lagu soo qabtay Hub isugu jiray Qori Gacmeedyo, Bastoolado iyo Waxyaabo qarxa, wuxuuna carrabka ku dhuftay in hubkaas dhawaan saxaafadda loo soo bandhigi doono.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Ma ahan markii ugu horeysay oo Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya lagu eedeeyo in ay Dhac u geysteen Hanti ay Dad rayid ah lahaayeen, iyadoo falalkaas dhaca ahna ay Ciidamadu inta badan geystaan marka ay howlgallada jiraan oo is-barbar yaaca Ciidamada uu badan yahay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia






