10.9 C
London
Monday, October 27, 2025

Xildhibaano ka soo jeeda Gobolka Shabeelaha Hoose oo sheegay in Maamulka Gobolkaas ka irimiya uu Dadka Xasuuqayo

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, October 06, 2007(HOL): Xildhibaannada ka soo jeeda Gobolka Shabeelaha Hoose ee ku jira Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabteen Magaalada Baydhabo waxay ku sheegeen in Maamulka ka taliya Gobolka Shabeelaha Hoose uu Dadka Deegaanka Xasuus ku hayo.

Xildhibaan Maxamed Xasan Fiqi oo mudanayaashaas u hadlay ayaa sheegay in maamulka uu Guddoomiyaha ka yahay Dr. C/qaadir Maxamed Nuur, Ku xigeennadiisa iyo sida uu u yiri ninka Taliye ku xigeenka ka ah Gobolka ay isu baheysteen sidii loo xasuuqi lahaa dadka ku dhaqan gobolka Shabeelaha Hoose, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay ka dambeeyaan falal nabadgelyo darro ah oo muddooyinkan ka dhacayay gobolkaas.

Xildhibaanka waxaa uu sheegay in haddii aaney Dowladda Federaalka wax ka qaban tacaddiyada uu maamulka gobolka ku hayo Dadka rayid ah in ay Dadka xaq u leeyihiin in ay is-difaacaan, iyagoo dhowranaya sharafkooda iyo karaamadooda.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ay Xildhibaannadan eedeyn u soo jeediyaan maamulka gobolka Shabeelaha Hoose, iyagoo ku eedeynaya in maamulka uu yahay mid aan waxba ka qabaneynin dhibaatada ay dadku qabaan ee dhinaca Arrimaha Bulshada ah, isal markaana uu kaliya ka gurto lacag uu canshuur ahaan uga qaato.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa muddooyinkan waxaa ku soo kordhayay falal nabadgelyo darro ah oo isugu jiray Dil, Dhac iyo Kufsi loo geysanayo Dadka safarka ee isticmaala Wadada isku xirta Magaalooyinka Afgooye iyo Marka, iyadoo sidoo kalena ay jireen iska hor-imaadyo toos ah oo gudaha Magaalada Marka ku dhexmaray Ciidamada Gobolka iyo Maleeshiyooyin ka soo horjeeday.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).