Sabti, October 06, 2007(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa sheegay in uusan jirin khilaaf u dhaxeeya isaga iyo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, wuxuuna caddeeyay in ay wararkaasi saxaafadda buun-buunisay.
Ra’iisal Wasaare Geeddi waxaa uu sheegay in madaxda Dowladda Federaalka ay sharci ku wada shaqeeyaan, isla markaana uusan jirin nin ka shaqeeya guri nin leeyahay, wuxuuna carrabka ku dhuftay in haddii la is-qabto sharciga lagu kala baxayo.
“Warkaasi waxaa buun-buuniyay saxaafadda iyo kooxaha Nabad-diidka ah oo aanan ogeyn danta ay ka leeyihiin, hayeeshee waxaan idiin sheegayaa in uusan jirin khilaaf noo dhaxeeya aniga iyo Madaxweynaha”ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Geeddi oo u waramayay Radio Somaliweyn.
Hadalka Ra’iisal Wasaaraha ee ku aadan in uusan jirin khilaaf u dhaxeeya isaga iyo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo maalmahan ay soo baxayeen warar sheegayay in uu jiro khilaaf soo kala dhexgalay madaxda dowaldda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo salka ku haya arrimo dhaqaale, baarista shidaalka iyo weliba awood-qeybsiga.
Dhanka kalena, Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi waxaa uu ka hadlay dilkii shalay Muqdisho loogu geystay marxuumiinta kala ah Jen. Axmed Jilacow Caddow iyo C/qaadir Maxamed Shiikh Aayatullaahi, wuxuuna sheegay in ay dilka marxuumiintaas ka dambeeyeen sida uu u yiri Kooxaha Nabad-diidka ah, kuwaasi oo uu sheegay in la soo qaban doono, isla markaana sharciga la hor keeni doono.
Ugu dambeyntiina, Ra’iisal Wasaare Geeddi oo tacsi u diray qoyskii iyo ehelladii ay marxuumiintaas ka geeriyoodeen waxaa uu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliy ay dhawaan gacanta ku dhigi doonto ammaanka Magaalada Muqdisho, isla markaana qorshaha ammaanka lagu sugayo-na uu soo diyaariyay Maamulka Gobolka Banaadir.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia






