10.9 C
London
Monday, October 27, 2025

24-kii saac ee la soo dhaafay oo Dad ku dhow 10 ruux lagu dilay Magaalada Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, October 06, 2007(HOL): 24-kii saac ee la soo dhaafay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya lagu dilay Dad tiradoodu gaareyso 10 ruux, kuwaasi oo u badnaa Dad Rayid ah.

7 ruux ayaa maalintii shalay ahayd waxaa lagu dilay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ay dilkooda ka dambeeyeen Kooxo Bastoolado ku hubeysnaa oo aan la ogeyn wixii ay dileen marxuumiintaas oo ay ku jireen Jen. Axmed Jilacow Caddow oo ka tirsanaa Saraakiisha Ciidamadii hore ee Soomaaliya iyo C/qaadir Maxamed Shiikh Aayatullaahi oo isna ahaa Xeer Ilaaliye ka tirsanaa Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Labo gabdhood oo dhalinyaro ah ayaa iyana habeenkii xalay ahaa waxaa lagu dilay Xaafadda Godey ee Deegaanka Suuuqa Xoolaha, kuwaasi oo la sheegay in kooxihii dilay ay ku eedeyeen in ay xiriir la lahaayeen Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan Warshaddii hore ee Baastada ee Magaalada Muqdisho, iyadoo meydka labadaas gabdhoodna uu xalay ku baryay halkii lagu dilay.

Saakay oo ugu dambeysayna waxaa Xaafadda SOS lagu dilay Guddoomiyihii Maxkamadda Degmada Huriwaa oo lagu magacaabi jiray C/qaadir Maxamed Warsame, waxaana dilka marxuumka xaqiijiyay Maamulka Gobolka Banaadir oo tacsi u diray qoyskii iyo ehelladii uu ka geeriyooday.

Dilalka ka dhacay Magaalada Muqdisho 24-kii Saac ee la soo dhaafay ayaa waxay qeyb ka yihiin nabadgelyo darrada ka jirta Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, taasi oo dad badan ku kaliftay in ay guryahooda isaga cararaan.

Dadka lagu dilo Magaalada Muqdisho ayaa waxay u badan yihiin kuwo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwo la tuhmo in ay la shaqeystaan, waxaana la sheegaa in ay dilkooda ka dambeeyaan kooxo hubeysna oo ka soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya ku sugan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).