10.9 C
London
Monday, October 27, 2025

Iska hor-imaad xooggan oo maanta dhacay Gudaha Suuqa Bakaaraha oo Dhimasho iyo Dhaawac sababay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, October 05, 2007(HOL): Iska hor-imaad xooggan oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Koxoo hubeysan ayaa saaka wuxuu ka dhacay Wadada koowaad ee Suuqa Bakaaraha.

 

Intii uusan iska hor-imaadkaas bilaaban ayaa Wadadaas waxaa laga maqlayay Qaraxyo dhowr ah oo lala beegsaday Ciidamada Dowladda ee halkaas ku sugan, iyadoo kadibna ay dhacday rasaas tiro badan oo ay  isku ridayeen dhinacyadii uu iska hor-imaadka u dhaxeeyay.

 

Iska hor-imaadka dhexmaray labada dhinac ayaa waxaa uu sababay dhimashada Shan Ruux oo uu ku jiray Xeer Ilaaliye ka tirsan Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo dhaawaca labo ruux oo kale, kuwaasi oo ay haleeshay rasaas habow ah oo ahayd tii ay labada dhinac isku ridayeen.

 

Dhanka kalena, Kolonyo Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka baxay Xarunta Wasaaraddii Gaashaandhigga, isla markaana ku sii socday dhinaca Kuliyaddii Jaalle Siyaad ayaa waxaa lagu qarxiyay Miino loogu aasay Wadada dhinaceead, iyadoo Qaraxaasina la sheegay in uu ahaa mid xooggan oo firirikiisa uu gaaray guryo ka fog halka uu qaraxa ka dhacay.

 

Ciidamada Itoobiyaanka ayaa qaraxaasi kadib waxay fureen rasaas tiro badan, taasi oo sababtay geerida Haweeney Rayid ahayd oo Wadada mareysay, iyagoo kadibna qadar daqiiqado ah xiray Wadadii lagu qarxiyay ee ay ku socdeen.

 

Weerarkan dharaarta cad lagu qaaday Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya ayaa waxay  ku soo beegmayaan iyadoo Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed uu shaaciyay in ay Muqdisho ka bilaaban doonaan Howlgallo maalin iyo habeen socon doona oo lagu sugayo Ammaanka Magaalada Muqdisho.

 

“Howlgallada lagu baadigoobayo hubka iyo waxyabaha qarxa waxay socon doonaan habeen iyo maalin, tan iyo inta laga dhameynayo kooxaha dagaallada wada iyo hubka ay ku dagaalamayaan” sidaasi waxaa yiri G/lle C/waaxid Maxamed Xuseen oo Booliska Soomaaliyeed u qaabilsan Xiriirka Dadweynaha iyo Saxaafadda.

 

G/lle C/waaxid oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in ay Magaalada Muqdisho ku soo bateen Qaraxyo iyo Dhibaatooyin kale oo loo geysto dadka rayidka ah, sidaas darteedna wuxuu sheegay in ay doonayaan in ay soo af-jaraan Qaraxyadaas iyo Dagaallo yar yar oo uu sheegay in lagu qaado fariisimada Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).