10.9 C
London
Monday, October 27, 2025

Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo weeraray Isbitaalka Xaawo Cabdi

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, October 05, 2007(HOL): Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya oo fariisin ku lahaa Deegaanka Carbiska ayaa waxay weerar ku qaadeen Isbitaalka Xaawo Cabdi iyo Deegaanka uu ku yaalo oo ay degan yihiin Dad Kumanaan ah oo ka barakacay dhibaatada ka jirta Magaalada Muqdisho, xili ay dadkaasi raashin u qeybineysay Hay’adda Muslim Aid.

 

Ciidamada Weerarka ku qaaday Isbitaalkaas iyo Deegaanka uu ku yaalo ayaa waxay dhibaato u geysteen Dhismaha Isbitaalka, Masjid ku dhow iyo weliba Dad Isbitaalka gudahiisa lagu xanaaneynayay.

 

Agaasimaha Isbitaalkaas Drs. Xaawo Cabdi ayaa sheegtay in Ciidamada soo weeraray ay dhibaato baaxad leh u geysteen Isbitaalka iyo weliba dad rayid ah oo ku sugnaa, kuwaasi oo qaarkood ay dileen.

 

“Waxay rasaas la dhaceen qeybo ka mid ah Isbitaalka, waxay kaloo burburiyeen Masjid Isbitaalka u dhow, waxaa ugu daran oo arrin aad looga naxo ahayd in ay xabad ku dhufteen haweeney Isbitaalka loo keenay in la daweeyo, taasi oo xabad ay gadaasha kaga soo dhufteen ay isha ka baxday”sidaas waxaa tiri Drs. Xaawo Cabdi oo sheegtay in aysan aqoonin sabab ay Ciidamadaas u soo weerareen iyadoo la ogyahay in Isbitaalka uu yahay mid dadka dan-yarta ah loogu samafalo, sidoo kalena Deegaanka uu ku yaalo uu yahay mid ku barakaceen Dad ka cararay dhibaatada Muqdisho ka jirta.

 

Drs. Xaawo Cabdi waxay sheegtay in Rasaasta ay Ciidamadaas ku fureen Isbitaalka iyo deegaanka u dhow ay si weyn u qal-qal gelisay Dadkii Deegaankii u barakacay, kuwaasi oo qaarkood ay ka sii carareen meeshii ay nabadgelyo ahaanta ugu qaxeen, “Islaan umushay labo canug oo mataano ah markii ay xabadaha maqashay waxaa ka dhacay mid ka mid ah labadeedii Canug oo ay is-lahayd la carar”ayay hadalkeeda ku sii dartay Drs. Xaawo Cabdi.

 

Ugu dambeyntiina, Drs. Xaawo Cabdi waxay intaas ku dartay in Deegaanka Magaceeda loogu magac-daray ay ku nool yihiin Dad gaaraya 5,500 oo ruux, kuwaasi oo guryahooda uga soo cararay nabadgelyo darro aawgeed, sidoo kalena waxay carrabka ku dhufatay in markii Isbitaalkeeda la soo weerarayay ay jiifeen Caruur kor u dhaafeysay 200 oo canug, kuwaasi oo loo sameynayay adeegyo isugu jiray fuuq-celin iyo nafaqeyn, iyadoo ay kaalmeyneysay Hay’adda MSF-Swiss.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).