13 C
London
Monday, October 27, 2025

MAXAMED XASAN XAAD: “Waxaan ogaanay in afar madfac oo laga soo tuuray Wasaaraddii Gaashaandhigga ay gubeen Suuqa Bakaaraha”

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, October 04, 2007(HOL): Guddoomiyaha garab ka mid ah Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad ayaa shaaca ka qaaday in ay heleen warar lagu kalsoonaan karo oo sheegaya in Madaafiic laga soo tuuray Xarunta Wasaaraddii Gaashaandhigga oo ay degan yihiin ciidamo Itoobiyaan ah ay gubeen Suuqa Bakaaraha.

 

“Waxaan ogaanay in afar madfac oo laga soo tuuray Wasaaraddii Gaashaandhigga ay gubeen Suuqa Bakaaraha” ayuu yiri Maxamed Xasan Xaad oo sheegay in ay arrintaas baaris ku hayeen tan iyo wixii ka dambeeyay markii uu gubtay Suuqa Bakaaraha.

 

Maxamed Xasan Xaad waxaa uu sheegay in ay sidoo kale xaqiijiyeen in madaafiicda lagu gubay Suuqa Bakaaraha iyo Iska hor-imaad dhexmaray Ciidamada Itoobiya iyo Kooxo hubeysan oo weerar ku qaaday ay kala dambeeyeen, isla markaana aan la dhihi karin madaafiicdaas waxay Suuqa ku dhaceen intii uu iska hor-imaadkaas socday.

 

Maxamed Xasan Xaad waxaa uu sheegay in madaafiicda gubtay qeybo ka mid ah Suuqa Bakaaraha ay dhamaayeen ilaa afar Madfac oo si kas ah Suuqa loogu tuuray. Xaad wuxuu intaas ku daray in Dad badbaadsan lahaa hantidooda oo Suuqa yimid markii dabku kacay, iyana madaafiic lagu cabsi geliyay.

 

Hadalka Guddoomiye Maxamed Xasan Xaad ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo tan iyo wixii ka dambeeyay markii uu gubtay Suuqa Bakaaraha ay soo baxayeen warar sheegayay in Dabka baabi’iyay Suuqa Bakaaraha uu ka dhashay madaafiic lagu tuuray, inkastoo aysan jirin warar ka madax bannaan Odayaasha Beelaha Hawiye oo arrintan xaqiijinaya.

 

Sidoo kalena hadalka Maxamed Xasan Xaad ayaa wuxuu ku soo hagaagayaa iyadoo uusan warbixin soo saarin Guddi Ganacsato ah oo loo saaray in ay soo qiimeeyaan khasaaraha uu geystay Dabkii baabi’iyay qeybo ka mid ah Suuqa Bakaaraha.

 

Ugu dambeyntiina, Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Garabka uu hoggaamiyo Maxamed Xasan Xaad ayaa wuxuu si weyn uga soo horjeedaa joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya iyo weliba dhaqdhaqaaqyada ay Ciidamada Dowladda Federaalka ka wadaan Magaalada Muqdisho.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).