Khamiis, October 04, 2007(HOL): Faah-faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa diyaarad maanta duhurradii laga af-duubtay deegaannada Puntland, taasi oo kooxihii af-duubtay ay ku dejiyeen Degmada Laas-Qoray ee Gobolka Sanaag.
Diyaaraddaas oo Qaad ku dejisay Magaalada Boosaaso ayaa waxaa af-duubtay Kooxo dhalinyaro ah oo Qaadka ka ganacsan jiray, kuwaasi oo kadib markii Lacag deyman ah lagu yeeshay loo diiday in la siiyo Qaad kale oo ay Suuqa ku galaan, kadibna muran dhexmaray Ganacsatadii Qaadka la timid iyo Dhalinyaradaas ayaa wuxuu sababay in ay Dhalinyaradu diyaaradda af-duubtaan.
Guddoomiyaha Gobolka Bari Muuse Geelle Yuusuf ayaa sheegay in dhalinyarada Diyaaraddaas af-duubatay ay amar ku siiyeen in ay Diyaaradda sii daayaan, isagoo haddii ay sii deyn waayaanna sheegay in ay tallaabo sharci ah ka qaadi doonaan.
Guddoomiyaha Gobolka Bari waxaa uu sheegay in arrinta Af-duubidda diyaaradda ay ka dhalatay muran dhinaca ganacsiga ah, isla markaana aysan arrimo siyaasadeed wax lug ah ku lahayn. Warar kale oo naga soo gaaray dhinaca Magaalada Boosaaso-na waxay sheegayaan in haatanba uu maamulka Puntland Ciidamo u diray Degmada Laas-qoray oo Diyaaradda ay ku af-duuban tahay, si ay Diyaaraddaas Awood ugu furtaan.
Wararkii ugu dambeeyay ee Degmada Laas-qoray laga helayna waxay sheegayaan in diyaaraddaas ay bed-qabto, isla markaana ay sidii loo sii deyn lahaa ay ka wada hadlayaan Dhalinyaradii af-duubatay iyo Odayaasha Deegaankaas, iyadoo ay wanaagsan tahay rajada laga qabo in diyaaraddaas la sii daayo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






