Khamiis,
Diyaaraddan ayaa aheyd diyaarada inta badan qaadka ka keentay wadanka Itoobiya, iyadoo maalin kasta keenta magaalada Boosaaso tobonaan jawaan oo qaad ah.
Guddoomiyaha Gobolka Bari Muuse Geele Yuusuf Faroole ayaa xaqiijiyey falka diyaarada lagu afduubay waxaase uu ku sheegay falkaasi in uu yahay mid ku aadan muran ka dhex aloosan ganacsatada qaadka , iyadoo diyaaradu ay haatan fadhido garoonka diyaaradaha ee degmada Laasqorey ee Gobolka Sanaag.
Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in haatan ay socdaan dadaal balaaran oo ku aadan sidii arintan loo xalin lahaa, diyaaradana si deg deg ah loogu siideyn lahaa.
Ma jiro wax war ah oo kale oo soo baxaya oo ku aadan afduubka diyaaradan, shirkada diyaaradan u kireysan tahay ee qaadka oo aan isku daynay inaan la xiriirno ayay inoo suurtagli waydey inaan helno.
Isha Warka: Radio SBC, Boosaaso






