13 C
London
Monday, October 27, 2025

Magaalada Kismaayo oo Maanta labo Ruux lagu dilay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis,04 October 2007(HOL):  Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in maanta duleedka magaaladaas lagu dilay labo Nin oo Rayid ahaa.

 

Labadan Nin ee la dilay oo  guryahooda lagala baxay ayaa lagu kala magacaabi jiray Yuusuf Maxamuud (Yuusuf Dheere) oo ka tirsanaa Shaqaalaha Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud  iyo Axmed Aadan Muuse, waxaana lagu dilay duleedka Magaalada Kismaayo oo ay kooxihii dilay la tageen.

 

Ilaa iyo haatan lama garanayo sababta loo dilay labadaas Nin oo rayid ahaa, waxayse wararka qaarkood sheegayaan in dilka marxuumiintan uu la xiriiro weerar xalay gudaha Magaalada Kismaayo loogu geystay Nin Sarkaal ah oo la sheegay in uu ka tirsan yahay Sir-doonka Dowladda Itoobiya, kaasi oo weerarkii loo geystay uu ku dhaawacmay darawalkiisa, halka warar kalena ay sheegayaan in dilka labadan nin uu la xiriiro Aano Qabiil.

 

Guddoomiye ku xigeenka maamulka Jubbada Hoose Axmed Sandheere ayaa sheegay in ay baaris ku hayaan ciddii ka dambeysay dilka labadaas nin, kadib marka ay baarista u soo dhamaatana ay soo bandhigi doonaan.

 

Magaalada Kismaayo ee Xarunta u ah Gobolka Jubbada Hoose ayaa muddooyinkan dambe waxaa ka jiray falal nabadgelyo darro ah, waxaana dhawaan gudaha Magaaladaas lagu dilay Wadaad Caan ahaa oo lagu magacaabi jiray Shiikh Jeylaani Cali Macallin, kaasi oo ay toogteen kooxo hubeysan oo ka soo raacay Masjid uu Kutubta Cilmiga ku aqrin jiray.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Labada Ruux ee maanta lagu dilay magaalada Kismaayo ayaa wuxuu dilkooda ku soo beegmayaa iyadoo shalay ay magaalada Muqdisho heshiis ku kala saxiixdeen Odayaasha Dhaqanka Beelo horay ugu dagaallamay magaalada Kismaayo, kuwaasi oo isku af-gartay in laga gudbo wixii khilaafaad ah ee labada beelood u dhaxeeya, sidoo kalena aysan dib dambe colaad uga dhex dhicin.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).