13 C
London
Monday, October 27, 2025

Guddoomiyaha Degmada Boondheere oo sheegay in uusan daryeel ka helin Maamulka uu ka tirsan yahay ee Gobolka Banaadir kadib dhaawac soo gaaray

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis,04 October 2007(HOL): Guddoomiyaha Degmada Boondheere C/kariin Maxamuud Xasan Xuuti oo dhaawac ahaan u jiifa Isbitaalka Keysaney ee Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in maamulka uu ka tirsan yahay ee Gobolka Banaadir uusan ka helin wax daryeel ah.

 

C/kariin Xuuti oo gudaha Isbitaalka Keysaney kula hadlayay Saxaafadda ayaa sheegay in uu Dowladda Federaalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir-ba uu magac ahaan uga tirsan yahay, wuxuuna taasi sabab uga dhigay in aaney jirin cid ka socota Dowladda Federaalka oo ku booqatay Isbitaalka uu ku jiro.

 

“Aniga waxaan ka mid ahay Dadka Dalka wax u noqday, waxaana rajeynayaa in ay wax iska bedelaan qaabka uu maamulka gobolka Banaadir u eegayo xaaladdeyda, waxaana ku talinayaa in dadka dhibaateysan wax loo qabto oo garabka laga istaago”ayuu yiri C/kariin Xuuti oo markii uu hadlayay uu hadalkiisa nuxuus ahaa sabab la xiriirta dhaawaca uu qabo aawgiis.

 

Guddoomiyaha Degmada Boondheere ayaa hadalkiisa ku sii daray in uusan sidoo kale daryeel ka helin Bahda Isboortiga oo uu ka tirsan yahay, isagoo carrabka ku dhuftay in uu ka mid yahay Garsoorayaasha Kubadda Cagta Soomaaliyeed.

 

C/kariin Xuuti oo weli ah Guddoomiyaha Degmada Boondheere ayaa ka badbaaday isku day lagu dili lahaa, waxayna kooxo bastoolado ku hubeysnaa oo doonayay in ay dilaan ay 7 xabadood kaga dhufteen caloosha iyo gacmaha, wuxuuna haatan caafimaadkiisu yahay mid aan 100% ahayn.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu dilay Guddoomiyayaashii Degmooyinka Huriwaa oo 2 ahaa, Yaaqshiid oo iyana 2 ahaa, Guddoomiyihii Degmada Shibis iyo Midkii  Degmada Howl-wadaag, iyadoo ay jiraan Guddoomiyayaal kale oo ka badbaaday isku day lagu dili lahaa.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).